Xaaladda Isla Xisaabtanka Soomaaliya Sanadka 2020

Soo Koobid

Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisaabtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an maxaa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu daciifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan. Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee dowladda federaalka, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan ​​u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka.

Xoojinta hayádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakameynin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka. Kuwa maalgashiga ku sameynaya amniga Soomaaliya waxaa saaran waajibaad akhlaaqeed oo ah inay dalbadaan oo ay maalgashi badan ku sameeyaan sharciga iyo dimuqraadiyeynta, oo ay ku jiraan la-dagaallanka musuqmaasuqa, ama waxay khatar ugu jiraan inay abuuraan dowlad kali-talis ah. Dawlad noocaas ah ma fulin doonto ujeeddada deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya, maadaama argagixisada weli aan la xakamayn doonin iyadoo awoodda dawladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda.

Hordhac

Burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991 waxaa ka horreeyay 22 sano oo kali-talisnimo ah oo la burburiyay hay’adihii isla xisaabtanka, iyo nabaad-guurka ku yimid sharciga iyo adeegsiga naxariis darrada ah ee awoodeed ee dowladdu si ay ugu sii hayaan hoggaanka talada haya. Nasiib darro, Soomaalida waxay umuuqataa in wax yar ay ka baratay cutubkaas ee taariikhdeena. Dib-u-dhiska Soomaaliya, maalgashiga ugu badan wuxuu galay xoojinta dowladnimada iyada oo aan la xoojinin ku dhaqanka sharciga ama aan la dhisin hay’adaheeda madaxda lagula xisaabtami karo. Tani waxay lamid tahay dhisida gaari aan lahayn astaamaha amniga sida biririfta iyo barkinta shilka. Iyadoo aan la helin hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa inay xakameeyaan awoodda ciidamada amniga, kalsoonida bulshada ee dawladda iyo rabitaankooda ah inay ixtiraamaan ku dhaqanka sharciga ayaa yaraanaya maadaama awoodda dowladnimada loo adeegsado siyaasadda, sharciguna uu doorbido laaluush-bixiyeyaasha.

Jidka hadda uu ku socdo qarankii Soomaaliyeed ee dib loo yagleelay ma dhiirrigelinayo kalsooni in natiijada ugu dambeysa aysan noqon doonin mid ku burburisa dowladnimada haddii iyo marka la joojiyo taageerada caalamiga ah. Warbixintaani waxay muujineysaa in laaluush bixinta aysan kaliya ku badneyn dalka oo dhan, laakiin sidoo kale ay si aad ah uga sarreyso meelaha ay dawladda ugu xoog badan tahay. Tani waxay muujineeysaa in maalgashiga aan habooneyn ee amniga ee aad kaga badan maalgashiga sharciga iyo dimuqraadiyeynta ay keentay in ciidamada amniga aan la xisaabtami karin marka laga reebo kuwa mushaharka siiya; caddaaladda oo laga iibiyo lacag-bixiyaha ugu sarreeya; iyo tixgelin la’aanta awooda dawladeed ee muwaadinka.

In kasta oo deeq bixiyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay canshuuraha dadkooda ku bixiyeen taageerida dimuqraadiyeynta Soomaaliya, wax yar baa iska bedelay sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Xubnaha baarlamaanka waxaa soo xushay shakhsiyaad aan haysan awood ay ku metelaan dadweeynaha. Haddii aan la helin dowlad lala xisaabtamo, suurtagal ma ahan in shacabka ay saameyn ku yeeshaan mustaqbalkooda ama ay ku aaminaan in dowladda ay wakiil ka tahay danahooda.

Fadlan halkan ka degso warbixinteena oo dhammeystiran:

Akhbaar Huban: Xaqiijinta Kalsoonida iyo Daahfurnaanta Warbaahinta Soomaaliya

Innagoo xuseyno Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno miraha dadaalkii marqaati ee toddobadii bilood ee la soo dhaafay: oo ah farsamo loogu talagalay in lagula dagaallamo wararka been-abuurka ah ee warbaahinta Soomaaliya, kor loogu qaado tayada wararka, iyo in bulshada lagu baro aqoonsiga wararka been abuurka ah. iyo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Waxaan u sameynay kordhin biraawsar Firefox iyo Chrome. Waxaan sidoo kale haynaa barnaamij Android ah oo ay hormarin ku socoto oo la heli doono toddobaadyada soo socda.

Halkan ka degso Akhbaar Huban Firefox: https://addons.mozilla.org/en-US/firefox/addon/akhbaar-huban

Halkan ka degso Akhbaar Huban Chrome: https://chrome.google.com/webstore/detail/akhbaar-huban/lmkafdjaimfcjkamcobbadkinhfdjhdk

Tusaalooyin websaydh la qiimeeyay:

Xaalka Isla Xisaabtanka Soomaaliya ee 2018 : Waddadi Musuqa oo aanan Laga Leexan

Warbixinta oo Kooban

Doorashadi Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee 8da Febraayo 2017 waxey dhiiragelisay marqaati maadaama uu Farmaajo u muuqday musharaxa ugu wanaagsan isla xisaabtanka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha wuxuu u muuqday in uusan dan ka laheyn in uu wax maamulo isagoo awood badan siiyay Raisal Wasaaraha. RW oo rug cadaa ka ahaa ololihii musuqa baahsanaa ee madaxweynihi hore, wuxuu la dagalanka musuqmaasuqa ka dhigay wax aanan ahmiyad u laheyn. Hadalka marki loo eego, isla xisaabtanka waxey aheyd midda udub dhexaadka u ah hadalkiisa. Sidaasi oo ay tahay, wuxuu si baahsan u isticmaalay laaluush si uu u gato mucaaradkiisa siyaasadeed isagoo isticmaalay lacago laga soo leexiyay Maamulka Gobolka Banadir iyo boorsooyin lacag oo laga keenay dawlad Khaliijka ku taalo.

Marki ay laaluush iyo shaqaaleeysiin ay wax ka tari weyday dhammaan dadka dawladda dhaleeceeya, caburis iyo aamusinta mucaaradka ayaa noqday aaladaha cusub. Muqdisho waxa ay qarka u saarneyd in ay burburto dhawr jeer sanadkii 2017 iyo 2018 iyadoo sababtu ay aheyd habdhaqanka RW oo taageero ka helaya Madaxweynaha.

Inti uu RW ku mashquulsanaa caburinta Muqdisho, Madaxweynaha wuxuu diirada saaray wiiqidda nidaamka federaalka ah kadib marki ay dawlad goboleedyada ay diideen in ay xaaladda Khaliijka ka qaataan mawqifka dawladda dhexe ee magac ahaan ahaa dhexdhexaadnimo lakin dhab ahaan ahaa mid dhan u janjeera. Arrintan waxey ku dambeysay in xilka laga qaaday mid kamid ah madaxweynayaasha gobolloda iyo diyaarinta mooshino kalsooni kala noqosho ee maamul goboleedyada kale. Sida muuqata, dhaqdhaqaaqyada DFS waxey yeelatay saameeyn cagsi ku ah ula jeedki laga lahaa: DFS maanta ayay maamul goboleedyada kaga saameeyn yartahay marki loo barbardhigo kahor inta aysan bilaabin awood bursigeeda.

Dhanka dhisidda hay’adaha dawliga, DFS wax kama qaban dhisidda xubnaha dawladnimo ee muhiim u ah sameynta dawladnimada Somalia. Waxaa kamid ah hay’adaha aanan la dhisin Maxkamadda Dastuuriga, taasi oo dhexdhexaadin laheyd DFS iyo dawlad goboleedyada; sidoo kale lama dhisin golaha ladagaalanka musuqmaasuqa, taasi oo awood u lahaan laheyd in ay soo celiso hantidi la boobay; iyo Guddiga Adeegga Garsoorka, kaasi oo sahli lahaa dib u habaynta garsoorka.

Sida muuqata arrinta ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda ayaa ah in ay hesho awood aanan lala xisaabtamin. Si taasi loo gaaro, waxey tuureen guddoomiyaha baarlamanka oo ay ku bedesheen mid ay leeyihiin; waxey eryeen xubnaha Maxkamadda Sare oo ay ku bedesheen dad daacad u ah. Saddexda garab ee dawladda ayaa hadda gacanta si buuxa ugu jira Villa Somalia.

Xukuumadda ayaa sidoo kale isku dayaysa in ay awoodeeda ku kordhiso iyada oo u mareysa dib u eegidda dastuurka, si ay dawladda dhexe u hesho awood aad uga badan gobollada. Taasi haddii ay dhacdo, ismariwaa keeni kara xasilooni darro ku timaada geedi socodka sameynta dawladnimada aya dhici karta.

Madaxweyne Farmaajo looma maleynayo in uu si shakhsi ah uga faa’iiday lacag la lunsaday. Hase ahaatee ballamahiisa ee ladagaalanka musuqmaasuqa weli lama hirgelin. Wuxuu weli leeyahay fursad uu ku sameysan karo dhaxal iffayo haddii uu qaato tilaabooyinka loogu soo jeedinayo xagga isla xisaabtanka.

Warbixinta Musuqmaasuqa 2018

MARQAATI OO KA WALAACSAN IN MAGACAABISTA RW CUSUB AY MUUJINEEYSO IN ISEBEDEL UUSAN DHICI DOONIN

MARQAATI OO KA WALAACSAN IN MAGACAABISTA RW CUSUB AY MUUJINEEYSO IN ISEBEDEL UUSAN DHICI DOONIN

Mogadishu, 24 Feb 2017 — Marqaati oo ah hay’adda keliya ee aan dawliga aheyn oo ka shaqeysa la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya, waxay ka walaacsan tahay u magacaabista Xasan Cali Kheyre in uu noqdo Raisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. RW magacaaban wuxuu saaxib dhaw la yahay shaqsiyaad wasaqeeysan oo ka tirsan dawladda sii baxeyso, gaar ahaan madaxweynihi hore oo ku kacay musuqmaasuq ba’an sanadki la soo dhaafay.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay in uu yahay qof lacagta uu ku qarsan jiray madaxweynihi hore uuna ku meteli jiray heshiisyada ganacsiga sida Soma Oil and Gas. Wuxuu sidoo kale si dhaw uga qeeyb qaatay ololihii  doorashada madaxweynihi hore ee aadka u musuqmaasuqa badneyd, sida ay sheegayaan ilo ka tirsan xukuumadda sii baxeysa.

Waxaan ugu yeereeynaa madaxweyne Farmaajo in uu ka noqdo magacaabistan haddii Mr. Kheyre uusan cadeyn karin in wax lug ah uusan ku laheyn musuqmaasuqa xukuumaddii hore iyo go’aan cad oo ah in lala xisaabtamo dadki hantida dadweynaha lunsaday.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waa in si qoto dheer ah ay u baaraan taariikhdiisa iyo tan saaxiibadiis, iyo qorshahiisa la xiriira la dagaalanka musuqmaasuqa. Ma ahan in ay aqbalaan in ay noqdaan tiimbaro uu madaxweynaha u isticmaalo siduu doono.  Waa in ay awooddooda u isticmaalaan in lagula xisaabtamo madaxweynaha iyo in ay xaqiijiyaan in madaxweynaha uu xilalka u dhiibo dad hawlkar ah oo aamin ah,” ayuu yiri Maxamed Mubaarak, agaasimaha marqaati.

“Baarlamaanka waa in uu diidaa in uu ansixiyo shaqsigan haddii uusan cadeyn in uusan ku lug laheyn musuqmaasuqa ay ku kaceen saaxiibadiisa iyo haddii uusan si cad u sheegin in uu la xisaabtami doono shaqsiyaadkaa ku kacay musuqmaasuqa,” ayuu sii raaciyay Mubarak.

Lama aqbali karo in ay sii socoto xaaladda hadda jirta ee ah islaxisaabtan la’aan, xatooyada dhaqaalaha dadweeynaha, qoondeynta heshiisyada dawladda ee ku saleysan saaxiibtinimo siyaasadeed, musuqmaasuq nidaami ah ee xaga garsoorka, iyo shaqo siinta dad aanan u qalmin. Magacaabistan waxaan u aragnaa in ay la micno tahay waxba isma bedeli doonaan.

marqaati  waxay hoggaamineysaa la dagaalnaka musuqmaasuqa Soomaaliya

marqaati Press Release on PM_so

Musuqmaasuq Bila Xuduud: Heerka Isla Xisaabtanka 2016 ee Soomaaliya

Warbixinta oo Kooban

Sanadka 2016 waxay aheyd sanadka ugu xun ee islaxisaabtanka ee Soomaaliya iyada oo jileyaasha siyaasadda ay doonayeen in ay isticmaalaan hab walba ay ku guuleeysan lahaayeen doorashada dadban. Shaqaalaha rayidka ah iyo booliska iyo NISA mushaar lama siin7 bilood; sidoo kale ciidamada xoogga dalka waxaa mushaar laga joojiyay dhammaadki 2015; $100 oo ay gunno u bixiyaan dawlado Soomaaliya la saaxiibka ah ayaa ugu danbeeyay bilowgi 2016 da. Musharka oo aanan la bixin waxaa dheeraa, dawladda Soomaaliya waxay iibisay dhulalka dawladda, iyadoo ula dan leh in ay ku taageerto doorashada dad ka tirsan xisbiga talada haya iyo madaxweynaha.

Sidaasi awgeed, doorashada waxaa hareeyay musuqmaasuq baahsan. Marki ay ergooyinka diidaan in ay sameeyaan sida la amro waa la bedelaa, la cabsi geliyaa, ama la toogtaa sida ka dhacday labo doorasho oo kala ah Galmudug iyo HirShabelle. Waxaa intaa sii dheer in dad laga saaray tartanka kadib dhiig ay ku daadiyeen goobta doorashada ayaa loo oggolaaday in ay baarlmaanka ku soo biiraan kadib doorasho dhoodhoob ah oo loo qabtay.

Dhaca baahsan ee loo geeystay qasnadaha dawladda si loogu maalgeliyo ololaha doorshooyinka dadka qaar, amniga faraha ayuu ka baxay 2016. Ciidamad amniga burcadinamada ayay ka qeeyb qaateen si ay naftooda u maareeyaan, taasi oo aad u wiiqday amaanada dadweynaha dawladda kala dhaxeysay. Baad, dhac, dil, iyo jirdil ayaa ka mid ah inta kabadan 500 warbixino ay dadweynaha marqaati u soo gudbiyeen, intooda badan oo la xiriira ciidanka ammaana.

Maadaama uu doorashada dhammaaday, sanadka 2017 wuxuu arki doonaa musuqa heerka sare oo wax yar yaraada, cid walba ee guuleeysata. . Si kastaba ha ahaatee, musuqmaasuq aad u weeyn oo ah heer dhexe iyo heer hoose aya dhici doona marki uu bilowdo gargaarka baniaadannimada ah ee abaaraha loogu talo galay. Dad aanan mushaar qaadan bilooyin badan ayaa la dhihi doonaa mas’uul ka noqdo cunno qeybis. Haddii aanan la siinin waxa ay xaq u leeyihiin, kuwooda u fiican xitaa dhaca ayay ka qeeyb qaadan doonaan.

In kastoo 2017 ay tahay fursad musuqmaasuqa lagula dagaalami karo, maadaama musharraxiinta guuleeysan kara ay musuqmaasuq ayaa la dirireynaa dhaheen, waxaa loo baahan yahay in sare loo qaado ka qeybgalka dalbashada in daah furnaan iyo kormeer ay ku sameeyaan hawlaha dawladda hay’ado aan dawlo aheyn oo madax banaan.  Taageereyaasha Somalia ee caalamiga ah waxaa saaran xil gooni ay oo ay u hayaan dadkooda si ay u ogaadaan halka ay ku baxdo canshuuraha dadkood laga soo qaado.

Haddii aanan musuqmaasuqa wax laga qaban waxaa kordhayo taageeri la’aanta iyo sharciyad xumida dawladda, taasi oo kordhin doonta amni darrida iyo qulqulka dhalin yarada ka carareysa urur argagaxiso oo dhan ah iyo dawlad tuugnimo ku dhisan oo dhan kale ah. Warbixinta oo dhammeystiran halkan ka aqriso: Marqaati Warbixinta Musuqmaasuqa 2016

Doorashooyinka Dadban: Sharciyad Yari iyo Toosnaan La’aan

Nuxurka

Geedi socodka doorashada dadban waxaa wiiqay jileyaal badan ee ka bilowda dawladda dhexe, kuwa gobollada, iyo dad u tartamayay kuraas. Laaluush, handadaad, bedelid liisaaska ergada, iyo been abuur cad ayaa saameeyay inta badan kiisaska aan barnay.

Cod gadashada ma ahan uun guuldarro siyaasadeed ee waxey tahay qatar ammaan oo aad u ballaaran: waxey wadada u furtaa kooxo burcad ah ee arrinka ka faa’iideeysta ee kuraas u iibiyo dad iyaga ka tirsan.

Nidaamka khilaafaadka lagu xaliyo inta badan ma aysan shaqeyn –marki ay shaqeeysane, waxaa kahortagga hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyagoo diida go’aankooda. Tani waxey su’aal ku keeneeysaa waxtarka iyo madaxbanaanida guddiyada doorashooyinka dadban.

Geedi socodka wuxuu muujiyay in wax aanan aheyn in ummadda dhan ay codeyso uusan yareey karin saameeynta uu cod gadashada ku yeelan karo natiijada doorashada; si walbo ha ahaatee, nidaamka hadda jira wuxuu u farsameeysan yahay cod gadashada sababtoo ah madaxweeynaha dadka si toos ah uma soo dooran doonaan xitaa doorasho guud hadii ay dhacdo.

Inta aysan dhicin doorashooyink 2021, waa in dib u eegis lagu sameeyaa dastuurka hadda jira inta aanan la ansixin oo laga dhigaa in madaxweeynaha ay si toos ah dadweeynaha u soo doortaan.

Hordhac

11 bilood ee sanadkan ka mid ah, marqaati waxey Heshiiska Daacadnimada la saxiixday jileyaalka siyaasadda ee Soomaaliya. Waxaa saxiixay Heshiiska musharaxiintaan soo socda: 6 ka socda Somaliland;9 ka socda Galmudug; 20 kasocda K/Galbed iyo 20 ka socda Puntland. Sidoo kale, 35 hoggaamiye dhaqameed iyo 3 musharrax madaxweeyne ayaa saxiixay, iyo in ka badan 30 xisbi siyaasadeed.

Heshiisyada ay saxiixeen shaqsiyaadkaas iyo xisbiyada lama ixtiraamin, qeeyb waxaa ka ah sababtan iyadoo PDP oo ah xisbiga talada hayo iyo Madaxweynaha ay diideen in ay saxiixaan. Markaas laga bilaabo waxaa cadaatay in musuqmaasuq ballaaran uu dhici doono; marqaati waxay halkan ku oogeeysaa waajibkeeda saarnaa iyadoo la eegayo Heshiiska, kaasi oo ahaa in ay ka warbixiso hirgelin la’aanta Heshiiska iyo in ay bixiso talooyin si dhibka hadda dhacay uusan si fudud u soo laaban doorashada 2020/1.

Habka

Waxyaabaha halkan ka muuqda waxay ku salaysan yihiin wareeysiyo lala yeeshay ergada doorashada, dad ka tirsan ololaha musharraxiinta, dad musharraxiin ah, iyo su’aalo ku saabsan habsocodka doorashada oo ay ka jawaabeen in kabadan 50 musharrax iyo hoggaamiye dhaqameed.

Sidoo kale waxaan sameeynay falanqeeyn xaga tirakoobka ah si aan u eegno xiriirka ka dhaxeeyo eedeeymaha ku saabsan qaladaadka iyo inta lagu kala guuleeystay. In kastoo gul yar aysan micnaheedu aheyn in musuqmaasuq uusan dhicin, habkan wuxuu inaga kaalmeeynayaa in aan helno meesha ay isugu yimaadaan eedeeymaha iyo in lagu kala guuleeysto tiro aad u weeyn ee aan caqliga geli karin. Sidoo kale waxaan u isticmaalnay falanqeeyntaan in aan eegno macquulnimada natiijooyinka lagu kala guuleeystay.

Natiijooyinka

Waxaa hoos ku xusan noocyada iyo qaar ka mid ah dhacdooyinka musuqmaasuqa ee ka dhacay geedi socodkan doorashada dadban.

  1. Handadaad iyo is-hortaagid waxay aheyd caadada geedi socodka

. Hoggaamiye dhaqameedka iyo musharraxiinta waxay soo sheegeen in ay la kulmeen handadaad nidaameeysan oo ay kula kaceen laamaha ammaanka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyo doonayo in ay saameeyaan cidda noqoneysa ergada wax soo doorata. In ka badan 75% dadki su’aalaha ka jawaabay waxay sheegeen in ay filayeen ama ay la kulmeen cabsi galin ama ergo been abuur ah.

Handadaada iyo faragelinta ergada waxey inta badan ka dhacday Jubbaland, K/Galbed, iyo Somaliland (doorashada Muqdisho loogu qabtay). Sababtana waxey aheyd sida muuqata musharraxiinta goboladaas ka soo jeeday ma aheyn kuwa ugu lacagta badan; tusaale ahaan, shaqsiyaadka qaar ee goboladaan ka soo guuleeystay waxey dhiibeen $500 oo laaluush ah kursigii iyadoo HirShabelle kursiga ugu badan ahaa $30,000.

Doorashooyinka qaar ee HirShabelle waxaa la qabtay maalin Jimce ah iyadoo aanan loo sheegin dhammaan musharraxiinta kuwi la rabay mooyaanee. Sidoo kale, musharrax ay diideen kooxda hirgelinta doorashooyinka dadban oo xabado ku riday goobta doorashada ayaa loo oggolaaday in uu tartamo. Wuxuu ku ‘guuleystay’ 88% ee codadka.

Musharraxiinta qaarkood waxaa loo diiday in ay soo galaan goobaha doorashooyinka marki magacooda albaabka la dhigay si laamaha ammaanka ay ka hortagaan in ay soo xaadiraan. Waxyaabahan oo kale waxey ku badnaayeen Jubbaland iyo K/Galbed. Dhanka kale hadii loo eego, lacagaha laaluushka ah ee gobladaas ma aysan badneyn.

Jubbaland waxaa ka dhacday in siyaasi caan ah uu ku guuldareystay aqalka sare lakin uu ku guuleeystay aqalka hoose kadib marki dhammaan musharraxiinta kale ee la tartami laheyd lagu qasbay in ay isaga haraan tartanka ama loo diiday in madasha ay soo xaadiraan. Wuxuu ku guuleystay 98% ee codadka.

  1. Dad musharraxiin ah ayaa dadka ergada soo xulayay

Hoggaamiye dhaqameedka waxaa laga rabay in ay soo xulaan 50 ergo ka socoto beeshooda ee soo doorata hal musharrax; si kastaba ha ahaatee, ku dhawaad dhammaan kiisaski la eegay, hoggaamiye dhaqameedka waxey beecinayeen ergada oo ay ka gadayeen dadki musharraxiinta ahaa. Mararka qaar musharraxiinta waxey gadanayeen tiro ku filan oo ay ku guuleysan karaan, mararka qaarne dhammaan 50ka ergo ayey gadanayeen.

Tusaale ahaan, hal tartan ee Puntland ka dhacay wuxuu hoggaamiye dhaqameedka musharrax ka iibiyay 16 ergo. Musharraxi wuxu gatay 10 cod ee ah ergo kale wuxuuna ku guuleeystay 26 cod.

Musharraxiinta qaarkood waxey la tartamayeen dad iyaga ay keensadeen kuwaasi oo helay inta u dhaxeysa 7 iyo 0 cod. Musharraxiinta sidan sameyneysay waa kuwa gacanta ku hayay tiro aad u weeyn ee ka mid aheyd ergada sida kor ku xusan.

Dawlad goboleedyada si cad ayey u faragelinayeen liisaska ergada. Tusaale ahaan, hal hoggaamiye dhaqameed ee Galmudug ka soo jeeda wuxuu marqaati u soo diray dood tiro badan ee ku saabsan in ergada uu magacaabay lagu bedelay magacyo kale; cabashadiisa ee uu u diray xalinta khilaafaadka dheg jalaq looma siin.

  1. Laaluusha aad ayuu u badnaa waana la caadeeystay

Laaluushka ugu badan wuxuu ka dhacay HirShabelle halkaas uu kursiga ugu qaalisan gaaray $2.5 milyan waxaana ku soo xigay Galmudug iyo Puntland (lacagta kursiga uu ku fadhiyo waxaan u xisaabinay isudarka dhammaan laaluushka ay bixiyeen musharraxiinta kursiga doondooneeysay).

Musharrax HirShabelle ku soo guuleeystay kursi baarlamaan wuxuu marqaati u sheegay in uu bixiyay $260K($150kun oo jeebkiisa ah iyo $110kun ee uu soo deynsaday) si uu kursiga u helo. Wuxuu helay 86% ee codadka. Kuwi la tartamayay waxaa ka kala baxay $150kun iyo $100kun. Taasi oo micnaheedu yahay in kursigaas uu ku fadhiyo $510kun.

Galmudug iyo Puntland sidaa si lamid ah ayey wax u dhacayeen.Marki marqaati ay weeydiisay sababta ay $300kun kursi baarlamaan ku bixinayaan, mid kamid ah ololaha musharraxiinta wuxuu sheegay in ay la xiriirto sharafta, xasaanada, iyo in ay fursad u helaan in madaxweynaha cusub ay doortaan iyagoo lacagihi ka baxay soo ceshta.

Ergada waxey cod siinayeen midka hal dollar dheeraada; doorasho walba waxaa ku guuleeysanayay midka lacagta badan. Ma cada in xaalada sidaan ahaan doonto marki xildhibaanada madaxweyne dooran doonaan, lakin labo xildhibaan oo goordhow la doortay ayaa marqaati u sheegay in lacagaha qof walba ka qaadan doonaan lakin ay u codeey doonaan cidda ay rabaan.

Qaar badan ee musharraxiinta doonaya in ay baarlamaanka galaan waxaa maalgeliyay PDP (loo yaqaan Dam Jadiid), ururkaas oo diiday in Heshiiska Daacadnimada uu saxiixo. Musharraxi hore loo soo sheegay ee $260kun ku bixiyay laaluush, wuxuu sheegay in madaxweynaha naf ahaantiisa uu u sheegay in uu maalgelin doono lakin weli uusan lacagti dib u arag.

In kastoo lacagaha dawladda la leexsaday 18ki bil ee u dambeeysay si doorasho loogu galo, taasi oo ka cad mushaarka ciidamada oo marar fara kutiris ah la bixiyay iyo dhulalka dawladda oo si indo la’aan ah loo suuq geeyay, xisbiga talada haya kuraas badan kuma uusan guuleeysan, taasi oo muujineeysa in lacag ka yar mucaaradka in ay istcimaaleen (waxaa muuqata in doorashada madaxweynaha ay lacagaha dib ugu dhiganayaan).

Xildhibaano kale ee jeebkooda ku soo galay waxay sheegen in ay filayaan in ay soo ceshtaan ‘maalgashigooda’ marki doorashada madaxweynaha ay dacdo. Cod-cod hadii loo fiiriyo, wuxuu noqon doonaa doorashada calaamka ugu qaalisan.

  1. Tirada lagu kala guuleeystay aad ayey u weeyneeyd marki musuqmaasuq laga soo sheego

Waxaa hoos ku xusan nuqul kamid ah doorashooyinka, kaasi oo muujinaya tiro laga naxo ee musharraxiin ah oo ku guuleeystay in ka badan 80%, iyo qaar badan oo ku guuleeystay 100% – taasi oo ah arrin aan tirakoob ahaan suurtogal u aheyn haddii ay tahay doorasho xor ah oo sinnaan ay jirto. Tirokoobka hadii loo eego, waxaa la rabaa in tartamada intooda badan lagu kala badiyo 1 cod iyo ugu badnaan saddex meelood laba, marar aad dhif u ahna dadka qaar ay helaan 80% iyo kabadan.

Qiimeeyn aan ku sameynay 98 tartan, waxaan aragnay 89 tartan ee uu midka guuleystay uu helay 78.4% ama kabadan, oo ay kamid yihiin 58 qof oo heshay inta u dhaxeysa 84% iyo 98%, laba kursi aanan loo tartamin (kuwi ka soo horjeeday daqiiqada u dambeysay ayey si shaki leh u tanaasuleen); iyo 15 waxay heleen 100% ee codadka.

Tani micnaheedu waxa weye in kabadan 76% musharraxiinta waxa ay heleen inta u dhaxeyso 84% ilaa iyo 100%, mana ahan arrin caqligal ah.

In kastoo liiska hoos ku xusan uusan ka tarjumin guud ahaan natiijooyinka aan sida caadiga ah caqli galka ku aheyn (waa nuqul ay ku jiraan 9 ka hooseeyso 78% oo macquul ah). Xisaabteeyna waxay ina tusaysaa in 1% natiijooyinka lagu kala adkaaday in kabadan 78% ay si caadi ah ku imaan karaan.

Hirshabelle:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
Abdiqadir Ossoble 34 66.6666667 Hoose
Maxamed Abukar Islow (Ducaale) 48 94.1176471 Hoose
C/salaan Sheekh Xasan Barsane 29 56.8627451 Hoose
Cusmaan Maxamed Cabdi 50 98.0392157 Hoose
C/laahi maxamed nuur 28 54.9019608 Hoose
Maryan ahmed haruun 38 74.5098039 Hoose
Maxamud c/laahi Ahmed 38 74.5098039 Hoose
farxiyo maxamuud dhaqane 43 84.3137255 Hoose
Maxaedm c/laahi nuux 45 88.2352941 Hoose
Muuse Suudi Yalaxow 91 92.8571429 Sare
Prof Cusmaan Maxamuud Dufle 85 86.7346939 Sare
Cusmaan Axmed Macow 73 74.4897959 Sare
Cusmaan Maxamed Cabdi 50 98.0392157 Hoose
Maxamed cali nuur 45 88.2352941 Hoose
C/shakuur cali mire 49 96.0784314 Hoose
farxiyo maxamuud dhaqane 43 84.3137255 Hoose
Maxaedm c/laahi nuux 45 88.2352941 Hoose

 

Galmudug:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
C/qaadir Gaafow Maxamuud 51 100 Hoose
Yuusuf xeyle 48 94.11764706 Hoose
Naciimo maxamed cali 45 88.23529412 Hoose
Saciid Nuur Qayliye Giriish 50 98.03921569 Hoose
Saabir Nuur Shuuriye 45 88.23529412 Hoose
Mahad Maxamed Salaad 40 78.43137255 Hoose
Qaasim Maxamed Jaamac 51 100 Hoose
 Duniyo Maxamed Ali 44 86.2745098 Hoose
mustaf sheekh cali dhuxulow 47 92.15686275 Hoose
Xuseen Qaasim Yuusuf 49 96.07843137 Hoose
 Xasan Macalin Maxamud 48 94.11764706 Hoose
mustaf sheekh cali dhuxulow 47 92.15686275 Hoose
Cabdulaahi Cali Axmed 40 78.43137255 Hoose
 Maxamed Cabdule Faarax 40 78.43137255 Hoose
Xersi Aadan Rooble 49 96.07843137 Hoose
cabdiraxmaan maxamed xuseen 46 90.19607843 Hoose
Maryan Cariif Qaasim 45 88.23529412 Hoose
 Cabdiwali Maxamed Qanyare 49 96.07843137 Hoose
Cabdicasiis Cilmi Cali 41 80.39215686 Hoose
 Ikraan Aadan 43 84.31372549 Hoose
Axmed Macalin Fiqi Axmed 47 92.15686275 Hoose
Maryam Xaaji Cabdi Geedi 48 94.11764706 Hoose
Maryam Maxamed Xuseen 48 94.11764706 Hoose
maxamed axemd abtidoon 41 80.39215686 Hoose

 

Puntland:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
Cali yuusuf cali xoosh 49 96.07843137 Hoose
Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke 47 71.21212121 Sare
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole 59 89.39393939 Sare
Cabdisalaam Xaaji Maxamuud Dheere 50 75.75757576 Sare
Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc 56 84.84848485 Sare
Siciido Xasan Cismaan 41 62.12121212 Sare
Maxamed Cabdikaafi Maxamed 45 88.23529412 Hoose
Xaawo Yuusuf Axmed 40 78.43137255 Hoose
Sharmaake Garaad Saleeman 50 98.03921569 Hoose
Sacdiya Samatar 49 96.07843137 Hoose
Maxamed Xaaji Geele 49 96.07843137 Hoose

 

Southwest:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
maxamed shiid cusmaan jawaari 45 88.2352941 Hoose
c/laahi shiiq ismaaciil 51 100 Hoose
maxamed saciid Abdulaahi 40 78.4313725 Hoose
C/laahi cumar Abshir 51 100 Hoose
shiiq Aadan maxamed Nuur 49 96.0784314 Hoose
sayid cali c/qaadir macalin 49 96.0784314 Hoose
maxamed jaamac mursal geelle 45 88.2352941 Hoose
Maxamed axmed mursal qoomaal 51 100 Hoose
Aaadan ibraahim ibraahim dhaa yoow 51 100 Hoose
Cali Aadan eylow 51 100 Hoose
Shiiq shaacir axmed 51 100 Hoose
Ibraahim yaroow isaaq 51 100 Hoose
Raabaca sheekh nuuroow 51 100 Hoose
Fowsiyo maxamed sheekh 51 100 Hoose
cabduqaadir shariif xasan sheekh Aadan 50 98.0392157 Hoose
Shariif maxamed cabdulaahi 45 88.2352941 Hoose
Samra cumar ibraahim 45 88.2352941 Hoose
Cabdi casis lafta gareen 45 88.2352941 Hoose
Khaliif Duureey 45 88.2352941 Hoose

 

Somaliland:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
Mahad Cabdalla cawad 50 98.0392157 Hoose
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye 51 100 Hoose
Aamino Axmed 51 100 Hoose
Cilmi Maxamed Nuur 45 88.2352941 Hoose
Nimco Aadan Ciise No Contest Hoose
Saalax Axmed Jaamac No Contest Hoose
Sahro Cabdqadir Cabdinasir 48 94.1176471 Hoose
Jamal Xasan Ismaciil 50 98.0392157 Hoose
Faadumo Cali 49 96.0784314 Hoose
Cabdulahi Cusmaan Ducaale 45 88.2352941 Hoose

 

 

Jubbaland:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
Cabdulahi Maxamed Adan 44 86.2745098 Hoose
Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi 48 94.1176471 Hoose
Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim 50 98.0392157 Hoose
Axmed Cismaan Ibraahim 49 96.0784314 Hoose
Maxamed Cabdulahi Gaandi 50 98.0392157 Hoose
Sheekh Nuur Maxamed Xasan 51 100 Hoose
Cabdiqaadir Sheekh Cali 50 98.0392157 Hoose
Axmed Cusmaan Ibraahim 49 96.0784314 Hoose
Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi 48 94.1176471 Hoose
Adan Isaaq 40 78.4313725 Hoose

 

Banadir:

Magaca Guuleystaha Codadka Boqolkiiba Aqalka
 Fahmo Axmed Nuur 51 100 Hoose

 

Talooyin

  • Doorashooyinka ay diideen guddiga xallinta khilaafaadka waa in aanan loo oggolaan in la sharciyeeyo. Tani waxey keeni doontaa in geedi socodka in uu noqdo mid sharciyaddisa ay ka hoos marto inta daciifka ah ee uu hadda leeyahay.
  • U diyaar garowga doorashooyinka 2020/1 waa in ay hadda bilaabataa. marqaati waxay bilaabi doontaa ololoheeda in doorashooyinka ay noqdaan xor oo loo sinnaado marki ay doorashadan dhammaato. Sidaas haddii aanan la yeelin, doorasho hadalkeeda dib ayaa loo dhigo doonaa illaa ay hoggaamiyeyaasha ka dhihi karaan ‘waqti ma heysano’ oo doorasho guud lagu abaabulo sida sanadki hore ay dhacday.
  • Nidaamka ku saleysan in madaxweynaha baarlamanka ay soo doortaan waxaa uu xaqiiji doonaa in musuqmaasuq uu caado ka noqdo siyaasadda Soomaaliya; dadka madaxweyne u tartamaya laaluush ayey siin doonaan dadka xildhibaanada ah si kastaba halagu soo doortee baarlamaanka. marqaati waxey soo jeedineysaa in dastuurka la bedelo oo laga dhigo in dadweynaha ay si toos ah u doortaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda.
  • Hay’adaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed waa in ay geesi noqdaan oo ay ka qeyb qaataan lasocodka iyo faaqidaadda doorashooyinka. Aamusnaanta waxey calaamad u tahay ka raali noqoshada.
  • Qaswadeyaasha iyo madaxda siyaasadda ee wada is-horistaagga islaxisaabtanka yar ee hadda dhacay waa in bulshada caalamka ay cunaqabateeysaa.

Gunaanad

Fashil siyaasadeed ee heer walba leh ayaa keenay in dib u dhacdo iyo in ay wiiqdo geedi scodka doorashooynka dadban. Si dib loogu hanto wax  u dhigma sharciyad, waa in ay dhacdaa islaxisaabtan ku aadan tacaddiyada dhacay.

DOORASHOOYINKA 2016: HUBAAL LA’AAN

Hordhac

Iyadoo Soomaaliya ay isu diyaarineeyso in ay qabato doorashooyin dadban, kalsooni darrida lagu qabo geedi socodkan ayaa wuxuu hurinayaa dareenka niyad jabka ah iyadoo keeni karto in dalka uu dib ugu laabto jahwareer haddii aanan laga qeeyb galin geedi socodkan dhammaan jileyaasha siyaasadeed iyo kuwa bulsho, si uu geedi socodka u yeesho sharciyadda uu istaahilo.

Warbixintaan kooban ee doorashooyinka ku saabsan waxa uu ku saleeysan yahay wareeysiyo lala yeeshay shaqsiyaad ku warqabo geedi socodka doorashada iyo wadahadalada hoose ee socda.

Madaxda qaran waxa ay ku celceliyeen in doorashada ay dhici doonto xilliga loogu talo galay – iyagoo warbixino rasmi ah uga hadlay arrintan. Iyadoo saddex todobaad ka harsan tahay xilliga Baarlamaanka Soomaaliya, iyo lix todobaad xilliga madaxweynaha Soomaaliya, hay’adda Marqaati waxay ka walaacsan tahay in aysan jirin wax badan oo horumar ah oo muujinayo in ay dhacdo xil wareejis ku dhacda waqtigii loogu talo galay.

Musuqmaasuqa doorashada ee soo if baxaya

Hay’adda Marqaati waxa ay si wallaac ku dheehan ula socotaa geedi socodka doorashada, iyadoo xuseysa in lagu socdo waddo hore loo arkay oo ay qaadayaan shaqsiyaadka awoodda leh oo raba in xilalkooda ay sii heystaan.

Xisbiyada siyaasadda waxa ay u muujiyeen hay’adda Marqaati in Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), iyagoo aanan heysan sal dastuuri ah, aay ku xayuubsadeen awoodda iyagoo u dhaqmaya in ay yihiin guddi awoodda xoog ku heysta oo dikreeto. In kastoo arrinta MHQ loo arki karo in ay fududeeyneeyso geedi socodkan, xisbiyada siyaasadda waxa ay sheegeen in ay keeni karto in uu dalka qalalaaso galo, iyadoo laga cabsi qabo in MHQ ay sii wadaan in dalka ay ku maamulaan wadadaan aan dastuuriga aheyn xittaa doorashada kadib.

Qabaailada qaar ayaa sheegaya in dawladda ay bedeshay qaar ka mid ah 135ka oday dhaqameed ee metelaya beelaha Soomaaliyeed oo ay ku bedeshay kuwoo siyaasadeed ee aanan beelaha metelin. Marqaati waxa ay ka warqabtaa in ay jiraan ugu yaraan labo oday dhaqameed ee sax ah ee aanan ku jirin 135ta oday ee booskooda dad kale la geliyay.

Waxaa kaloo dheer in aysan jirin sinnaan iyo nafis xaga siyaasadda: xisbiyada siyaasadda waxaa loo diiday xoriyadda ah in ay qabsadaan shirar iyo banaan baxyo iyadoo arrimo amni lagu andacoonayo, shirar siyaasadeed ayaa laga hor istaagay, in fariimo siyaasadeed la baahiyo ayaa la diiday, iyo dadka u ololeeya xoriyadda – oo ay ka mid tahay Marqaati – ayaa la cabsi geliyaa, waa la handadaa, xarigne waa lagula kacaa.

Bulshada rayidka ayaa si gaar ah loo aamusiyay oo aanan laga qeeyb gelin geedi socodka, waxaana loo arkaa isla xisaabtanka dadka u ololeeya, gaar ahaan tan doorashooyinka, in ay qatar ku yihiin xisbiga tallada haya. Tani waxa ay keentay in ururada bulshada rayidka ah ay ka cabsadaan in doorashada ay ka hadlaan; marqaati waxay halkaan hogganka u qaadatay in ay hadalka bilowdo.

Qaabka doorashooyinka

Madaxda MHQ ayaa ka dhageeysan doona guddiga doorashooyinka sida ay ku dhici karto doorashada iyo jadwalka doorashada; in kastoo guddiga uu si hoose u sheegayo in doorashada waqtigeeda ay dhici doonto oo halki xildhibaan ay soo xuli doonaan 51 qofood, warbixinada qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in dib loo dhigo doorashada si waqti loo helo ama in nidaamki hore ee odayaasha la qaato haddii aysan suuroobin in dib loo dhigo.

Dib u dhigista doorashada waxa ay keeni doontaa in ay ka horyimaadaan xisbiyada siyaasadda oo hadda bilaabay in ay sheegaan in aysan aqoonsan doonin sharciyadda awoodda madaxweynaha hadii la dhaafo 10ka September. Dib u dhigis waxa ay keeni doontaa in qalalaase siyaasadeed la galo oo sidoo kale ay dhaawacanto sharciyadda dawladda Soomaaliya.

Khiyaarka labaad oo ah in gadaal loogu noqdo nidaamki hore ee fududaa wuxuu qatar ku yahay in uu dhaco musuqmaasuq ballaaran oo u dhigma kii 2012 markaas oo si cad loogu kala gadanayay kuraasta baarlamaanka.

Sidoo kale, in gadaal loogu noqdo nidaamki hore ee musuqa u nugul waxay micnaheeda noqon doontaa in afarti sano ee la soo dhaafay si buuxda ay u qasaarto ee aanan horumar dhicin. Sidoo kale, sharciyadda geedi socodka doorashada ayaa dhaawac culus gaari doona haddii lagu koobo doorashooyinka 135 oday.

Within the darkness there is a sliver of hope: twenty-three Somali political parties have signed the Integrity Pact for free and fair elections in Somalia. This is encouraging and shows a willingness by political parties to experiment with honest means to seek political power; however, we are disappointed and concerned by the outright refusal to sign the Pact by some of the political parties, chief among them the ruling party.

In kastoo arrinta ay mugdi tahay, waxaa jiro wax yar oo rajo ah: saddex iyo labaatan xisbi siyaasadeed ayaa saxiixay Heshiiska Daacadnimada ee doorashooyinka Soomaaliya. Tani waa mid dhiiro gelin leh waxa ayna muujineeysaa rabitaan xaga xisbiyada siyaasadda ah oo ku aadan in ay tijaabiyaan in si daacad ah awood siyaasadeed lagu raadiyo; si kastaba ha ahaatee, waxaan ka niyad jabsan nahay oo aad uga wallaacsan nahay xisbiyo si bareer ah u diiday in Heshiiska Daacadnimada ay saxiixaan, kuwaas oo u horeeyo xisbiga tallada haya.

Tilaabooyinka loo baahan yahay

Dadka metela dadweynaha Soomaaliyeed – odayaasha, xisbiyada siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah – waa in dowr laga siiyaa geedi socodka doorashada iyo jadwalka ay doorashada ku dhacayso. Geedi socod laga wada qeeyb galayo wuxuu xaqiijin doonaa sharciyadda geedi socodka laf ahaantiisa.

Beesha caalamka – US, UK, UN, EU, and AU – waa in ay la xisaabtamaan MHQ si ay u dhacdo doorashooyin xor ah. Looma arki doono doorashooyinka kuwoo dhexdhexaad ah haddii loo diido in ay is abaabulaan shaqsiyaad aanan ka tirsaneen MHQ, taasi oo ah xaq ku xusan dastuurka. Xubnaha MHQ ee isku daya in ay geedi socodka u leexiyaan si ay uga faa’iideeystaan waa in ay ogaadaan in lala xisaabtami doono si loo badbaadiyo ammaanadda geedi socodka.

Waa in ay jirtaa jadwal cad oo ay ka muuqato degdegnimo oona ku salaysan tallooyinka dadka hore aan u soo xusnay ee metela dadweynaha Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in geedi socodka uu yeesho dhammaad lagu wada qanacsan yahay.

marqaati oo Xisbiyada Siyaasadda la Saxiixday Heshiis Daacadnimo

Horudhac

Heshiiska daacadnimada ee xaqiijinta doorashooyin xor ah oo loo siman yahay waa hindise oo ay marqaati ula dan leedahay in ay kula dagaalanto musuqmaasuqa dhaca xilliga doorashooyinka, in la dhiso is aaminaad u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo in la xaqiijiyo in doorashooyinka danbe ay ahaadan kuwo sidaan ka sharciyad badan oo ka xorriyad badan.

In kastoo dawlada aysan aqoonsaneyn xisbiyada siyaasadda, hadane xisbiyada dhab ahaan bay u jiraan waxaa ayna ka qeyb qaataan siyaasadda dalka.

Inta badan mudaneyaasha baarlamaanka ee hada jira waxa ay ka tirsan yihiin xisbiyo siyaasadeed, in kastoo aysan dawladda xisbiyo weli aqoonsan. Waxaa dhici jirtay in shaqsiyaadka qaar ay xisbiyadooda u gadi jireen kuraasto baarlamaanka. Heshiiskan waxaa uu xaqiijin doonaa in xisbiyada aysan kuraas u gadin xubnahooda iyo in ay soo sheegaan hadii ay arkaan dhacdooyin walba oo ku saabsan cod iibsi.

Hirgelinta Heshiiskan wuxuu xaqiijin doonaa in uu dhaco kalsooni lagu qabo xisbiyada iyadoo ay cadaan doonto halka xisbiyada uu uga yimaado taageerada maaliyadeed, lacagaha ay ololaha doorashooyinka ku isticmaalaan, iyo wakiiladooda siyaasadeed. Sidoo kale, marqaati waxay xisbiyada siin doontaa taageero xaga tababarka ah, iyo in ay ka caawiso in ay gaarsiiyeen dadweynaha iyo dadka codeeyn doono 2016 fariimo ku aadan dhibaatada uu cod gadashadu u leeyahay aayaha danbe ee dalka.

Xisbiyada Saxiixay

Tirada guud ee heshiiska saxiixday waxa waayay 28 xisbi: 28ki Janaayo ayaa marqaati waxa ay qabatay kullan ooda loogu qaaday ololaha xisbiyada siyaasadda loogu bandhigayay in ay saxiixaan Heshiiska. Isla maalintaas waxaa saxiixay Heshiiska 14 xisbi iyadoo 2 xisbi ay ka cudur daarteen in ay Heshiiska saxiixaan. Inta u dhaxeysay 28 Janaayo iyo 22 Febraayo waxaa Heshiiska saxiixay 11 xisbi.

3 xisbi waxa ay saxiixeen heshiiska 23 Febraayo. 2 xisbi ayaa weli ka fikiraya in ay saxiixaan heshiiska. Sidoo kale, laba xisbi baa saxiixday 28 Febraayo iyo 31 Meey.

Qeeybtaan saxiixeyaasha soo kordha baa lagu xusi doonaa.

Muxyadin Maxamed oo ka mid ah saxiixeyaasha waxaa la dilay labo todobaad kadib marki uu Heshiiska saxiixay. Waxaan tacsi u direeynaa qooyska, qaraabada, iyo saaxiibada uu ka tagay Allahana sabar iyo iimaan ka siiyo.

Hoos waxaa ku xusan liiska xisbiyada saxiixay heshiiska iyo shaqsiyaadka u saxiixay. Waxaa xiga bogga laga saxiixay Heshiisyada.

NO MAGACA WAKIILKA XISBIGA HESHIISKA UU U SAXIIXAY
1 Muxyadiin Maxamed  Xaaji Kulan
2 Dr. Cali Cumar Abati Somali National Union
3 Axmed Yuusuf Ibrahim ILEYS
4 Ugaas Cabdullahi National Democratic Party
5 Maxamuud Axmed Nuur Social Justice Party
6 Yuusuf Axmed Yalaxow SDU
7 Dr. Yuusuf Shimbir Midnimada Qaranka Soomaliyeed
8 Xassan Cabdi Khalif Shaqsiyad iyo Wadaniyad
9 Salaad Cali Jeele Midnimada iyo Dimoquraadiyadda
10 Said Cusman Ibraahim Peace  and National Unity
11 Cabdullahi Isaaq Aadan Somali National Democratic
12 Cali Maxamed Nuur Midnimada Jamhuuriga Soomaliya
13 Suleyman Yuusuf Cilmi Horumarinta Ummadda Soomaaliyeed
14 Faarax Salaad Dharaar Somali National Party
15 Salaad Maxamed Sabriye Wadaniyiinta Soomaliyeed
16 Caydarus  Maxamed Cabdi United Somali Roots (USR)
17 Nadifo Abdullahi Abdi Justice and Development Party
18 Maxamuud Maxamed Daahir Isbahaaysiga Isbadal Doonka Soomaliyeed
19 Safiyo Maxamed Cali Somali Peoples Party
20 Caasho Maxamuud Warsame Samokaab
21 Abdullahi Sheikh Dahir Midowga Nabada iyo Demoqoraadiyada
22 Wali Magan Diriye Democratic Party of Somalia
23 C/qaadir Sheikh ISmail Tayo
24 Dr. Mohamed Ali Ibrahim Somali National Party for Change and Development
25 Said J. Ali Korshel Somali National Party
26 Dr. Zakaria Mohamed Haji Abdi Qaranka Ummadda
27 Eng. Ahmed Salad Adan Sahan Qaran
28 Kamaudin Abdullahi Mohamud S.P.P
29 Mohamed Abiikar Maye Somali Citizens’ Alliance
30 Ahmed Barre Midnimo

 
First Page

DPS

Ilays

Justice and Development Party

Kulan Party

Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda

NDP

Peace and National Unity

Shaqsiyad iyo Wadaniyad

Social Justic Party

Somali Democratic United

Somali National Democratic Party

Somali National Party for Change and Development

Somali National Party

Somali National Union Party

Somali People Party

Tayo

United Somali Party

USR

Xisbiga Horumarinta Umadda Soomaaliyeed

Xisbiga Isbaheysiga Isbadaldoonka Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyada

Xisbiga Midnimada Jamhuuriyada Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliya

Xisbiga Somakaab

Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed

SPP

Xisbiga Sahan Qaran

Xisbiga Qaranka Ummadda

 

Sawiro: Dhul Dawladeed Ee Si Sharci Daro Ah Loo Iibiyay

Dhamaadka xiliga ku meel gaarka ah ee 2012 wuxuu keenay in qiimaha dhulalka Muqdisho ay cirka isku shareeraan ee meelaha qaar ay gaaraan toban-laab heerkoodi hore. Tani waxay keentay in shaqsiyaad gaar ah ay iibsadaan dhulal guud iyagoo u maraya saaxiibadood ka tirsan dawlada.

Maanta oo ah maalinta la dagaalanka musuq maasuqa ee caalamiga ah, aan eegno saameynta musuq maasuqa uu ku yeeshay Muqdisho halkaasi oo si aanan daah furneyn inta badan jardiinooyinka dadweynaha laga iibiyay shaqsiyaad lagana dhigay goobo lagu iibiyo petrool ama goob maqaayad ah.

This petrol station is on public land. It was apparently sold by the former Banadir administration, with Federal Government support.

Petrol station kaan ku yaala KM4 wuxuu ku yaalaa dhul guud.

This petrol station is built on public property that was used as a public garden.

Petrol stationkaan ku yaala Hawlwadaag waxaa laga dhisay dhul guud oo aheyd jardino.

The Bondhere district part of the 4 gardens illegally sold to local businessmen.

Tan waa qeyb ka tirsan Afara Jardino ee qeybta Bondhere. Waxaa laga dhigay maqaayad.

 

The second garden of Yaqshid one year ago when it was sold to a local businessman.

Tani waa Afarta Jardino qeybta Yaqshid. Sawirkan hal sano ka hor baa la qaaday inta aanan shaqada laga bilaabin goobta.

After stopping work on the site earlier in the year due to opposition from the new Banadir administration, work has resumed on the site without intervention from authorities.

Waa tanaa goobti oo shaqo laga bilaabay sanadkan kadib ku dhawaad hal sano oo shaqo laga qaban kadib marki uu maamulka gobolka soo fara galiyay. Hada cid hor taagan malahan shaqada wey socotaa.

A truck gets into the Yaqshid garden where it is  taking out the earth.

Gaarigaan carada buu goobta ka saarayaa iyadoo goobta petrol station laga dhigayo.

 

This site used to be a state-owned petrol station. There is no transparency about who, how, and why it was sold to a private company.

Goobtaan ee degmada cabdicaziiz waxay aheyd goob shidaal xiligi 1991 ka hor. Sanadkan waxaa la wareegay sharikad gaar loo leeyahay.

 

This site in Sinai used to be a state-owned petrol station. It is now being privately-owned.

Goobtaan SInai (Bondhere) waxay aheyd goob shidaal lagu iibiyo ee dawlada leedahay. Waxaa shaqo ka wada shaqsiyaad gaar ah.

 

This is the Florensa, aka Hararyale, public land illegally sold to private fuel company.

Tani waa Jardinka Florensa ee hada laga iibiyay sharikad loo yaqaano Hass Petroleum.

 

Musuq Maasuqa Garsoorka Soomaaliya

Horudhac

Garsoorka in kastoo uu yahay hay’ada ugu muhiimsan ee isla xisaabtanka dawlada, kaasi oo Soomaalidu ka rajeynayaan in ay keento iyo xasiliso degenaanshaham, wuxuu Garsoorka maray is bedel yar ee anan saameeyn laheyn ka hor iyo kadib dhamaadka xiliga ku meel gaarka ah.

Eedeeymo ballaadhan ee kuu aadan musuq maasuqa iyo maamul darida Garsoorka awgiis bay hay’ada marqaati go’aansatay in ay baarto garabkan muhiimka ah ee dawlada si loo ogaado xaalada hada taagan, iyo in loo isticmaalo natiijada baaritaankan in loogu doodo isbedelo xaga Garsoorka.

Natiijada wuxuu cadeynayaa in Garsoorka uu yahay hay’ad tabar yar ee aanan la ixtiraamin madaxbanaanideeda.

Hab Baaritaaneed

Si aan u qiimeeyno heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa garsoorka, waxaan isticmaalnay Diagnostic Checklist for Assessing Judicial Corruption kaasi oo ay diyaariday Transparency International lagana heli karo buuga la yiraahdo Combating Corruption in Judicial Systems. Su’aalaha aan isticmaalnay wuxuu ku liifaqanyahay qeybta Appendix-ka ee baaritaankan.

Waxaan eegnay dokumentiyada ay quseyso sida Dastuurka Ku-Meel Gaarka ee Soomaaliya, xeerka anshaxa garsoorka, iyo go’aamo dhowaan ay gaareen garsoorka. Intaasi waxaa dheer, waxaan wareysanay shaqaalaha Garsoorka iyo 30 ka mid ah dadweynaha isticmaalayay maxkamadaha inti u dhaxeysay Feb-Apr 2014 iyo Jul-Sept 2014.

Caqabadaha

Caqabada ug weyn waxay aheyd taageero maaliyadeed ee anan ku filnayn qeybta wareysiyada ee baaritaankan. Waxaa si buuxda u maal galiyay xubnaha hay’adan.

Caqabad kale waxay aheyd xaalada nabadgelyo kaasi oo keenay in dad badan ee maxkamadaha isticmaalayay aysan aqbalin in la wareysto.

Waxyaabaha la arkay

  1. Madaxbanaanida Garsoorka waa mid ku cad dastuurka, lakin lama dhaqan geliyo.
  2. Garsooreyaalka iyo shaqaalaha kale ee garsoorka malahan xaalado wanaagsan ee shaqo, taasi oo keeni kara in ay u nuglaadaan laaluush iyo hanjabaado.
  3. Shaqaaleeynta Garsooreyaalka ma aha mid furfuran, taasi oo keenta in dad aanan u qalmin ama karti u laheyn ay shaqada qabtaan.
  4. Geedi socodka maamul ma aha mid wanaagsan kaasi oonan xaqiijinayn in Garsooreyalka loo magacaabo qaab aanan cid u xaglin laguna qorin meel ay siyaasiyiinta jooga xiriir la leeyihiin.
  5. Ma jiro la xisaabtan xaga maaliyada ee Garsoorka.
  6. Garsoorka ma soo saaro daabacaad cadeynaya miizaaniyadiisa ama lacagta uu bixiyo sanadki.
  7. In kastoo Garsooreyaalka loo maxkamadeyn karo anshax dari sida musuq maasuqa, tani ma aysan dhicin xiligii ku meel gaarka iyo kadib in kastoo ay jiraan cabashooyin aad u badan ee musuq maasuqa garsoorka.
  8. Garsoorka wuxuu leeyahay furfurnaan aad u yar; ma jirto macluumaad ku aadan qaabka garsoorka loo xulo iyo shaqaaleyntooda.
  9. Waxbarashada xaga Garsoorka waa mid aad u liidato, iyadoo Garsooreyaal badan aysan laheyn waxbarasho rasmi ah ee xaga Garsoorka.
  10. Ma lahan xubnaha Garsoorka damaanad xaga amaanka ah, hadii laga reebo qaar ma kid ah Maxkamada Sare. Tani waxay keentay in Garsooreyaal iyo Qareenada dadka difaaco qaarkood loo hanjaba ama xitaa la dilo.
  11. Maxkamadaha rayidka waxay diidaan in ay qabtaan kiisaska la xiriira argagixisada iyaga oo ka cabsi kabo aar gudasho.
  12. Booliska iyo hayadaha kale ee fulinta sharciga si buuxda uma fuliyaan awaamirta maxkamadaha; mararka qaar waxay si buuxda u inkiraan maxkamadaha.
  13. Dhiibida laaluushka waxaa uu nooqday mid iska caadi ah qaasatan kiisaska madaniga ah. Tani waxay keentay in mararka qaar hal Garsoore uu bixiyo labo xukun ee iska soo horjeeda oo hadane hal kiis ah.
  14. Garsoorka wuxuu loolan xaga awooda kula jiraa qeybta fulinta ee dawlada isaga oo diidan in isbedelka baahida loo qabo lagu sameeyo nidaamka Garsoorka iyo Golaha Garsoorka.
  15. Qeybta fulinta dawlada si buuxda uma fuliso go’aamada garsoorka, waxayna soo fara gelisaa geedi socodka Garsoorka.
  16. Qeybta Fulinta ee dawlada wuxuu ka saaraa Garsooreyaalka shaqada isaga oonan raacin nidaamka u yaala Garsoorka. Tusaale ahaan, 21 Garsooreyaal baa dhawaan madaxweynaha shaqada ka eryay – tallabadan waxaa sharci daro ku tilmaamay gudoomiyaha maxkamada sare.
  17. Gudoomiyaha maxkamada sare ma aqoonsana Xeer Ilaaliyaha Guud, isaga oo diidan qaabka shaqada loogu dhiibay.
  18. Qareenada qaar baa ku lug leh laaluushida Garsooreyaalka.
  19. Dhamaan dadki isticmaalayay maxkamadaha ee la su’aalay baa aqoonsaneyn sharciyada maxkamadaha; waxey xusayaan cadaalad dari iyo musuq maasuq in ay yihin sababaha aysan ku ixtiraamin maxkamadaha.
  20. Suxufiyiinta Soomaaliyeed kama soo waramaan arrimaha musuq maasuqa Garsoorka sida ay uga qaramaan musuq maasuqa hay’adaha kale ee dawlada.
  21. Waxaa yar rabitaanka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka hadlida musuq maasuqa Garsoorka. Sidaasi darteed dooda dadweyne ee musuqmaasuqa Garsoorka waxaa ka badan mida Fulinta iyo Baarlamaanka.
  22. Taagerida bulshada caalamka ee isbedelka Garsoorka Soomaaliya aad buu u liitaa.

Talooyin

  1. Waa in la dhameystiraa heykalka maxkamadaha, taasi oo ay ka mid tahay aas aasida maxkamada dastuuriga.
  2. Waa in madaxbanaanida Garsoorka oo ku xusan dastuurka ay ixtiraamaan faracyada kale ee dawlada.
  3. Go’aamada Garsoorka waa in ay si buuxda u fuliyaan hay’adaha fulinta sharciga.
  4. Shaqaaleynta Garsoorka waa in uu ahaadaa mid furfuran oona ku dhisan qiimaha dadka la shaqaaleynayo.
  5. Garsooreyaalka waa in ay helaan tababar joogto ah ee xaga qiimeeynta sharciga, qorida xukunada, maamulida kiisaska, iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
  6. Waa in xaaladaha shaqo ee Garsooreyaalka iyo shaqaalaha kale ee garsoorka la wanaajiyaa. Waa in loo wanaajiyaa mushaarka iyo damaanada xaga amniga.
  7. Hay’ada shaqaalineysa xubnaha Garsoorka waa in ay ka madax banaanaataa faracyada dawlada ee Fulinta iyo Baarlamaanka.
  8. Waa in damaanad shaqo la siiyaa Garsooreyaalka u qalma eel eh waxbarasho heer sare ah iyo hawl karnimo.
  9. Eryinta Garsooreyaalka waa in ay ahaataa mid lagu sameeyo geedi socod furfuran ee cadaalad ku dhisan.
  10. Waa in la sameeyaa nidaam si qarsoodi leh lagu soo sheegi karo anshax dari ama musuq maasuq oo ay la kacaan Garsooreyaal, Qareeno, ama shaqaalaha kale ee maxkamada.
  11. Garsooreyaalka waa in ay si joogto ah u cadeeyaan maalkooda iyo xaga ay ka keeneen.
  12. Garsooreyaalka leh arrimo is khilaafka xaga danaha (Conflict of Interest) waa in ay iska saaraan qabashida kiisaaskaas ama uu ka saaraa Golaha Adeega Garsoorka.
  13. Mabaadi’ida Bangalore Principles of Judicial Conduct waa in la dhaqan geliyaa so nidaamka cadaalada garsoorka Soomaaliya oo u noqdaa mid la socda heerka caalamiga ah.
  14. Hay’ada Garsoorka waa in uu daabacaa sanadle xusayo shaqada uu qabtay iyo lacagta ku baxday.
  15. Hay’adaha Bulshada Rayidka waa in ay ka qeyb qaataan la lsocodka Garsoorka si ay u soo sheegaan dhacdooyinka musuq maasuqa.
  16. Aqoonyahanada Soomaaliyeed waa in ay ka ra’yi bixiyaan xukunada ay ridaan maxkamadaha si dadweynaha ay u fahmaan shaqada maxkamadaha.