Nagu Saabsan

Marqaati waa hay’ad aan dowli aheyn ee la dagaalanta musuqmaasuqa ka jira dowlada dhexe iyo dowladaha hoose ee Somaliya iyadoo u olololeyneysa in lala xisaabtamo hadana ay furfurnaadaan laamaha dowlada oo shacabka la socodsiiyaan shaqadooda.

Waxaa la aasaasay hay’ada bisha lixaad 2013 waxaana hada u shaqeeya in ka badan 10 shaqaale oo isugu jira kuwo joogto ah iyo kuwoo mutadawac ah kuwas oo ku howl jira keydinta iyo baaritaanka musuqmaasuqa dowladeed.