Arkiifiyaha Khaanadda: Marqaati

DOORASHOOYINKA 2016: HUBAAL LA’AAN

Hordhac

Iyadoo Soomaaliya ay isu diyaarineeyso in ay qabato doorashooyin dadban, kalsooni darrida lagu qabo geedi socodkan ayaa wuxuu hurinayaa dareenka niyad jabka ah iyadoo keeni karto in dalka uu dib ugu laabto jahwareer haddii aanan laga qeeyb galin geedi socodkan dhammaan jileyaasha siyaasadeed iyo kuwa bulsho, si uu geedi socodka u yeesho sharciyadda uu istaahilo.

Warbixintaan kooban ee doorashooyinka ku saabsan waxa uu ku saleeysan yahay wareeysiyo lala yeeshay shaqsiyaad ku warqabo geedi socodka doorashada iyo wadahadalada hoose ee socda.

Madaxda qaran waxa ay ku celceliyeen in doorashada ay dhici doonto xilliga loogu talo galay – iyagoo warbixino rasmi ah uga hadlay arrintan. Iyadoo saddex todobaad ka harsan tahay xilliga Baarlamaanka Soomaaliya, iyo lix todobaad xilliga madaxweynaha Soomaaliya, hay’adda Marqaati waxay ka walaacsan tahay in aysan jirin wax badan oo horumar ah oo muujinayo in ay dhacdo xil wareejis ku dhacda waqtigii loogu talo galay.

Musuqmaasuqa doorashada ee soo if baxaya

Hay’adda Marqaati waxa ay si wallaac ku dheehan ula socotaa geedi socodka doorashada, iyadoo xuseysa in lagu socdo waddo hore loo arkay oo ay qaadayaan shaqsiyaadka awoodda leh oo raba in xilalkooda ay sii heystaan.

Xisbiyada siyaasadda waxa ay u muujiyeen hay’adda Marqaati in Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), iyagoo aanan heysan sal dastuuri ah, aay ku xayuubsadeen awoodda iyagoo u dhaqmaya in ay yihiin guddi awoodda xoog ku heysta oo dikreeto. In kastoo arrinta MHQ loo arki karo in ay fududeeyneeyso geedi socodkan, xisbiyada siyaasadda waxa ay sheegeen in ay keeni karto in uu dalka qalalaaso galo, iyadoo laga cabsi qabo in MHQ ay sii wadaan in dalka ay ku maamulaan wadadaan aan dastuuriga aheyn xittaa doorashada kadib.

Qabaailada qaar ayaa sheegaya in dawladda ay bedeshay qaar ka mid ah 135ka oday dhaqameed ee metelaya beelaha Soomaaliyeed oo ay ku bedeshay kuwoo siyaasadeed ee aanan beelaha metelin. Marqaati waxa ay ka warqabtaa in ay jiraan ugu yaraan labo oday dhaqameed ee sax ah ee aanan ku jirin 135ta oday ee booskooda dad kale la geliyay.

Waxaa kaloo dheer in aysan jirin sinnaan iyo nafis xaga siyaasadda: xisbiyada siyaasadda waxaa loo diiday xoriyadda ah in ay qabsadaan shirar iyo banaan baxyo iyadoo arrimo amni lagu andacoonayo, shirar siyaasadeed ayaa laga hor istaagay, in fariimo siyaasadeed la baahiyo ayaa la diiday, iyo dadka u ololeeya xoriyadda – oo ay ka mid tahay Marqaati – ayaa la cabsi geliyaa, waa la handadaa, xarigne waa lagula kacaa.

Bulshada rayidka ayaa si gaar ah loo aamusiyay oo aanan laga qeeyb gelin geedi socodka, waxaana loo arkaa isla xisaabtanka dadka u ololeeya, gaar ahaan tan doorashooyinka, in ay qatar ku yihiin xisbiga tallada haya. Tani waxa ay keentay in ururada bulshada rayidka ah ay ka cabsadaan in doorashada ay ka hadlaan; marqaati waxay halkaan hogganka u qaadatay in ay hadalka bilowdo.

Qaabka doorashooyinka

Madaxda MHQ ayaa ka dhageeysan doona guddiga doorashooyinka sida ay ku dhici karto doorashada iyo jadwalka doorashada; in kastoo guddiga uu si hoose u sheegayo in doorashada waqtigeeda ay dhici doonto oo halki xildhibaan ay soo xuli doonaan 51 qofood, warbixinada qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in dib loo dhigo doorashada si waqti loo helo ama in nidaamki hore ee odayaasha la qaato haddii aysan suuroobin in dib loo dhigo.

Dib u dhigista doorashada waxa ay keeni doontaa in ay ka horyimaadaan xisbiyada siyaasadda oo hadda bilaabay in ay sheegaan in aysan aqoonsan doonin sharciyadda awoodda madaxweynaha hadii la dhaafo 10ka September. Dib u dhigis waxa ay keeni doontaa in qalalaase siyaasadeed la galo oo sidoo kale ay dhaawacanto sharciyadda dawladda Soomaaliya.

Khiyaarka labaad oo ah in gadaal loogu noqdo nidaamki hore ee fududaa wuxuu qatar ku yahay in uu dhaco musuqmaasuq ballaaran oo u dhigma kii 2012 markaas oo si cad loogu kala gadanayay kuraasta baarlamaanka.

Sidoo kale, in gadaal loogu noqdo nidaamki hore ee musuqa u nugul waxay micnaheeda noqon doontaa in afarti sano ee la soo dhaafay si buuxda ay u qasaarto ee aanan horumar dhicin. Sidoo kale, sharciyadda geedi socodka doorashada ayaa dhaawac culus gaari doona haddii lagu koobo doorashooyinka 135 oday.

Within the darkness there is a sliver of hope: twenty-three Somali political parties have signed the Integrity Pact for free and fair elections in Somalia. This is encouraging and shows a willingness by political parties to experiment with honest means to seek political power; however, we are disappointed and concerned by the outright refusal to sign the Pact by some of the political parties, chief among them the ruling party.

In kastoo arrinta ay mugdi tahay, waxaa jiro wax yar oo rajo ah: saddex iyo labaatan xisbi siyaasadeed ayaa saxiixay Heshiiska Daacadnimada ee doorashooyinka Soomaaliya. Tani waa mid dhiiro gelin leh waxa ayna muujineeysaa rabitaan xaga xisbiyada siyaasadda ah oo ku aadan in ay tijaabiyaan in si daacad ah awood siyaasadeed lagu raadiyo; si kastaba ha ahaatee, waxaan ka niyad jabsan nahay oo aad uga wallaacsan nahay xisbiyo si bareer ah u diiday in Heshiiska Daacadnimada ay saxiixaan, kuwaas oo u horeeyo xisbiga tallada haya.

Tilaabooyinka loo baahan yahay

Dadka metela dadweynaha Soomaaliyeed – odayaasha, xisbiyada siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah – waa in dowr laga siiyaa geedi socodka doorashada iyo jadwalka ay doorashada ku dhacayso. Geedi socod laga wada qeeyb galayo wuxuu xaqiijin doonaa sharciyadda geedi socodka laf ahaantiisa.

Beesha caalamka – US, UK, UN, EU, and AU – waa in ay la xisaabtamaan MHQ si ay u dhacdo doorashooyin xor ah. Looma arki doono doorashooyinka kuwoo dhexdhexaad ah haddii loo diido in ay is abaabulaan shaqsiyaad aanan ka tirsaneen MHQ, taasi oo ah xaq ku xusan dastuurka. Xubnaha MHQ ee isku daya in ay geedi socodka u leexiyaan si ay uga faa’iideeystaan waa in ay ogaadaan in lala xisaabtami doono si loo badbaadiyo ammaanadda geedi socodka.

Waa in ay jirtaa jadwal cad oo ay ka muuqato degdegnimo oona ku salaysan tallooyinka dadka hore aan u soo xusnay ee metela dadweynaha Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in geedi socodka uu yeesho dhammaad lagu wada qanacsan yahay.

marqaati oo Xisbiyada Siyaasadda la Saxiixday Heshiis Daacadnimo

Horudhac

Heshiiska daacadnimada ee xaqiijinta doorashooyin xor ah oo loo siman yahay waa hindise oo ay marqaati ula dan leedahay in ay kula dagaalanto musuqmaasuqa dhaca xilliga doorashooyinka, in la dhiso is aaminaad u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo in la xaqiijiyo in doorashooyinka danbe ay ahaadan kuwo sidaan ka sharciyad badan oo ka xorriyad badan.

In kastoo dawlada aysan aqoonsaneyn xisbiyada siyaasadda, hadane xisbiyada dhab ahaan bay u jiraan waxaa ayna ka qeyb qaataan siyaasadda dalka.

Inta badan mudaneyaasha baarlamaanka ee hada jira waxa ay ka tirsan yihiin xisbiyo siyaasadeed, in kastoo aysan dawladda xisbiyo weli aqoonsan. Waxaa dhici jirtay in shaqsiyaadka qaar ay xisbiyadooda u gadi jireen kuraasto baarlamaanka. Heshiiskan waxaa uu xaqiijin doonaa in xisbiyada aysan kuraas u gadin xubnahooda iyo in ay soo sheegaan hadii ay arkaan dhacdooyin walba oo ku saabsan cod iibsi.

Hirgelinta Heshiiskan wuxuu xaqiijin doonaa in uu dhaco kalsooni lagu qabo xisbiyada iyadoo ay cadaan doonto halka xisbiyada uu uga yimaado taageerada maaliyadeed, lacagaha ay ololaha doorashooyinka ku isticmaalaan, iyo wakiiladooda siyaasadeed. Sidoo kale, marqaati waxay xisbiyada siin doontaa taageero xaga tababarka ah, iyo in ay ka caawiso in ay gaarsiiyeen dadweynaha iyo dadka codeeyn doono 2016 fariimo ku aadan dhibaatada uu cod gadashadu u leeyahay aayaha danbe ee dalka.

Xisbiyada Saxiixay

Tirada guud ee heshiiska saxiixday waxa waayay 28 xisbi: 28ki Janaayo ayaa marqaati waxa ay qabatay kullan ooda loogu qaaday ololaha xisbiyada siyaasadda loogu bandhigayay in ay saxiixaan Heshiiska. Isla maalintaas waxaa saxiixay Heshiiska 14 xisbi iyadoo 2 xisbi ay ka cudur daarteen in ay Heshiiska saxiixaan. Inta u dhaxeysay 28 Janaayo iyo 22 Febraayo waxaa Heshiiska saxiixay 11 xisbi.

3 xisbi waxa ay saxiixeen heshiiska 23 Febraayo. 2 xisbi ayaa weli ka fikiraya in ay saxiixaan heshiiska. Sidoo kale, laba xisbi baa saxiixday 28 Febraayo iyo 31 Meey.

Qeeybtaan saxiixeyaasha soo kordha baa lagu xusi doonaa.

Muxyadin Maxamed oo ka mid ah saxiixeyaasha waxaa la dilay labo todobaad kadib marki uu Heshiiska saxiixay. Waxaan tacsi u direeynaa qooyska, qaraabada, iyo saaxiibada uu ka tagay Allahana sabar iyo iimaan ka siiyo.

Hoos waxaa ku xusan liiska xisbiyada saxiixay heshiiska iyo shaqsiyaadka u saxiixay. Waxaa xiga bogga laga saxiixay Heshiisyada.

NO MAGACA WAKIILKA XISBIGA HESHIISKA UU U SAXIIXAY
1 Muxyadiin Maxamed  Xaaji Kulan
2 Dr. Cali Cumar Abati Somali National Union
3 Axmed Yuusuf Ibrahim ILEYS
4 Ugaas Cabdullahi National Democratic Party
5 Maxamuud Axmed Nuur Social Justice Party
6 Yuusuf Axmed Yalaxow SDU
7 Dr. Yuusuf Shimbir Midnimada Qaranka Soomaliyeed
8 Xassan Cabdi Khalif Shaqsiyad iyo Wadaniyad
9 Salaad Cali Jeele Midnimada iyo Dimoquraadiyadda
10 Said Cusman Ibraahim Peace  and National Unity
11 Cabdullahi Isaaq Aadan Somali National Democratic
12 Cali Maxamed Nuur Midnimada Jamhuuriga Soomaliya
13 Suleyman Yuusuf Cilmi Horumarinta Ummadda Soomaaliyeed
14 Faarax Salaad Dharaar Somali National Party
15 Salaad Maxamed Sabriye Wadaniyiinta Soomaliyeed
16 Caydarus  Maxamed Cabdi United Somali Roots (USR)
17 Nadifo Abdullahi Abdi Justice and Development Party
18 Maxamuud Maxamed Daahir Isbahaaysiga Isbadal Doonka Soomaliyeed
19 Safiyo Maxamed Cali Somali Peoples Party
20 Caasho Maxamuud Warsame Samokaab
21 Abdullahi Sheikh Dahir Midowga Nabada iyo Demoqoraadiyada
22 Wali Magan Diriye Democratic Party of Somalia
23 C/qaadir Sheikh ISmail Tayo
24 Dr. Mohamed Ali Ibrahim Somali National Party for Change and Development
25 Said J. Ali Korshel Somali National Party
26 Dr. Zakaria Mohamed Haji Abdi Qaranka Ummadda
27 Eng. Ahmed Salad Adan Sahan Qaran
28 Kamaudin Abdullahi Mohamud S.P.P
29 Mohamed Abiikar Maye Somali Citizens’ Alliance
30 Ahmed Barre Midnimo

 
First Page

DPS

Ilays

Justice and Development Party

Kulan Party

Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda

NDP

Peace and National Unity

Shaqsiyad iyo Wadaniyad

Social Justic Party

Somali Democratic United

Somali National Democratic Party

Somali National Party for Change and Development

Somali National Party

Somali National Union Party

Somali People Party

Tayo

United Somali Party

USR

Xisbiga Horumarinta Umadda Soomaaliyeed

Xisbiga Isbaheysiga Isbadaldoonka Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyada

Xisbiga Midnimada Jamhuuriyada Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliya

Xisbiga Somakaab

Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed

SPP

Xisbiga Sahan Qaran

Xisbiga Qaranka Ummadda

 

Sawiro: Dhul Dawladeed Ee Si Sharci Daro Ah Loo Iibiyay

Dhamaadka xiliga ku meel gaarka ah ee 2012 wuxuu keenay in qiimaha dhulalka Muqdisho ay cirka isku shareeraan ee meelaha qaar ay gaaraan toban-laab heerkoodi hore. Tani waxay keentay in shaqsiyaad gaar ah ay iibsadaan dhulal guud iyagoo u maraya saaxiibadood ka tirsan dawlada.

Maanta oo ah maalinta la dagaalanka musuq maasuqa ee caalamiga ah, aan eegno saameynta musuq maasuqa uu ku yeeshay Muqdisho halkaasi oo si aanan daah furneyn inta badan jardiinooyinka dadweynaha laga iibiyay shaqsiyaad lagana dhigay goobo lagu iibiyo petrool ama goob maqaayad ah.

This petrol station is on public land. It was apparently sold by the former Banadir administration, with Federal Government support.

Petrol station kaan ku yaala KM4 wuxuu ku yaalaa dhul guud.

This petrol station is built on public property that was used as a public garden.

Petrol stationkaan ku yaala Hawlwadaag waxaa laga dhisay dhul guud oo aheyd jardino.

The Bondhere district part of the 4 gardens illegally sold to local businessmen.

Tan waa qeyb ka tirsan Afara Jardino ee qeybta Bondhere. Waxaa laga dhigay maqaayad.

 

The second garden of Yaqshid one year ago when it was sold to a local businessman.

Tani waa Afarta Jardino qeybta Yaqshid. Sawirkan hal sano ka hor baa la qaaday inta aanan shaqada laga bilaabin goobta.

After stopping work on the site earlier in the year due to opposition from the new Banadir administration, work has resumed on the site without intervention from authorities.

Waa tanaa goobti oo shaqo laga bilaabay sanadkan kadib ku dhawaad hal sano oo shaqo laga qaban kadib marki uu maamulka gobolka soo fara galiyay. Hada cid hor taagan malahan shaqada wey socotaa.

A truck gets into the Yaqshid garden where it is  taking out the earth.

Gaarigaan carada buu goobta ka saarayaa iyadoo goobta petrol station laga dhigayo.

 

This site used to be a state-owned petrol station. There is no transparency about who, how, and why it was sold to a private company.

Goobtaan ee degmada cabdicaziiz waxay aheyd goob shidaal xiligi 1991 ka hor. Sanadkan waxaa la wareegay sharikad gaar loo leeyahay.

 

This site in Sinai used to be a state-owned petrol station. It is now being privately-owned.

Goobtaan SInai (Bondhere) waxay aheyd goob shidaal lagu iibiyo ee dawlada leedahay. Waxaa shaqo ka wada shaqsiyaad gaar ah.

 

This is the Florensa, aka Hararyale, public land illegally sold to private fuel company.

Tani waa Jardinka Florensa ee hada laga iibiyay sharikad loo yaqaano Hass Petroleum.

 

Musuq Maasuqa Garsoorka Soomaaliya

Horudhac

Garsoorka in kastoo uu yahay hay’ada ugu muhiimsan ee isla xisaabtanka dawlada, kaasi oo Soomaalidu ka rajeynayaan in ay keento iyo xasiliso degenaanshaham, wuxuu Garsoorka maray is bedel yar ee anan saameeyn laheyn ka hor iyo kadib dhamaadka xiliga ku meel gaarka ah.

Eedeeymo ballaadhan ee kuu aadan musuq maasuqa iyo maamul darida Garsoorka awgiis bay hay’ada marqaati go’aansatay in ay baarto garabkan muhiimka ah ee dawlada si loo ogaado xaalada hada taagan, iyo in loo isticmaalo natiijada baaritaankan in loogu doodo isbedelo xaga Garsoorka.

Natiijada wuxuu cadeynayaa in Garsoorka uu yahay hay’ad tabar yar ee aanan la ixtiraamin madaxbanaanideeda.

Hab Baaritaaneed

Si aan u qiimeeyno heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa garsoorka, waxaan isticmaalnay Diagnostic Checklist for Assessing Judicial Corruption kaasi oo ay diyaariday Transparency International lagana heli karo buuga la yiraahdo Combating Corruption in Judicial Systems. Su’aalaha aan isticmaalnay wuxuu ku liifaqanyahay qeybta Appendix-ka ee baaritaankan.

Waxaan eegnay dokumentiyada ay quseyso sida Dastuurka Ku-Meel Gaarka ee Soomaaliya, xeerka anshaxa garsoorka, iyo go’aamo dhowaan ay gaareen garsoorka. Intaasi waxaa dheer, waxaan wareysanay shaqaalaha Garsoorka iyo 30 ka mid ah dadweynaha isticmaalayay maxkamadaha inti u dhaxeysay Feb-Apr 2014 iyo Jul-Sept 2014.

Caqabadaha

Caqabada ug weyn waxay aheyd taageero maaliyadeed ee anan ku filnayn qeybta wareysiyada ee baaritaankan. Waxaa si buuxda u maal galiyay xubnaha hay’adan.

Caqabad kale waxay aheyd xaalada nabadgelyo kaasi oo keenay in dad badan ee maxkamadaha isticmaalayay aysan aqbalin in la wareysto.

Waxyaabaha la arkay

  1. Madaxbanaanida Garsoorka waa mid ku cad dastuurka, lakin lama dhaqan geliyo.
  2. Garsooreyaalka iyo shaqaalaha kale ee garsoorka malahan xaalado wanaagsan ee shaqo, taasi oo keeni kara in ay u nuglaadaan laaluush iyo hanjabaado.
  3. Shaqaaleeynta Garsooreyaalka ma aha mid furfuran, taasi oo keenta in dad aanan u qalmin ama karti u laheyn ay shaqada qabtaan.
  4. Geedi socodka maamul ma aha mid wanaagsan kaasi oonan xaqiijinayn in Garsooreyalka loo magacaabo qaab aanan cid u xaglin laguna qorin meel ay siyaasiyiinta jooga xiriir la leeyihiin.
  5. Ma jiro la xisaabtan xaga maaliyada ee Garsoorka.
  6. Garsoorka ma soo saaro daabacaad cadeynaya miizaaniyadiisa ama lacagta uu bixiyo sanadki.
  7. In kastoo Garsooreyaalka loo maxkamadeyn karo anshax dari sida musuq maasuqa, tani ma aysan dhicin xiligii ku meel gaarka iyo kadib in kastoo ay jiraan cabashooyin aad u badan ee musuq maasuqa garsoorka.
  8. Garsoorka wuxuu leeyahay furfurnaan aad u yar; ma jirto macluumaad ku aadan qaabka garsoorka loo xulo iyo shaqaaleyntooda.
  9. Waxbarashada xaga Garsoorka waa mid aad u liidato, iyadoo Garsooreyaal badan aysan laheyn waxbarasho rasmi ah ee xaga Garsoorka.
  10. Ma lahan xubnaha Garsoorka damaanad xaga amaanka ah, hadii laga reebo qaar ma kid ah Maxkamada Sare. Tani waxay keentay in Garsooreyaal iyo Qareenada dadka difaaco qaarkood loo hanjaba ama xitaa la dilo.
  11. Maxkamadaha rayidka waxay diidaan in ay qabtaan kiisaska la xiriira argagixisada iyaga oo ka cabsi kabo aar gudasho.
  12. Booliska iyo hayadaha kale ee fulinta sharciga si buuxda uma fuliyaan awaamirta maxkamadaha; mararka qaar waxay si buuxda u inkiraan maxkamadaha.
  13. Dhiibida laaluushka waxaa uu nooqday mid iska caadi ah qaasatan kiisaska madaniga ah. Tani waxay keentay in mararka qaar hal Garsoore uu bixiyo labo xukun ee iska soo horjeeda oo hadane hal kiis ah.
  14. Garsoorka wuxuu loolan xaga awooda kula jiraa qeybta fulinta ee dawlada isaga oo diidan in isbedelka baahida loo qabo lagu sameeyo nidaamka Garsoorka iyo Golaha Garsoorka.
  15. Qeybta fulinta dawlada si buuxda uma fuliso go’aamada garsoorka, waxayna soo fara gelisaa geedi socodka Garsoorka.
  16. Qeybta Fulinta ee dawlada wuxuu ka saaraa Garsooreyaalka shaqada isaga oonan raacin nidaamka u yaala Garsoorka. Tusaale ahaan, 21 Garsooreyaal baa dhawaan madaxweynaha shaqada ka eryay – tallabadan waxaa sharci daro ku tilmaamay gudoomiyaha maxkamada sare.
  17. Gudoomiyaha maxkamada sare ma aqoonsana Xeer Ilaaliyaha Guud, isaga oo diidan qaabka shaqada loogu dhiibay.
  18. Qareenada qaar baa ku lug leh laaluushida Garsooreyaalka.
  19. Dhamaan dadki isticmaalayay maxkamadaha ee la su’aalay baa aqoonsaneyn sharciyada maxkamadaha; waxey xusayaan cadaalad dari iyo musuq maasuq in ay yihin sababaha aysan ku ixtiraamin maxkamadaha.
  20. Suxufiyiinta Soomaaliyeed kama soo waramaan arrimaha musuq maasuqa Garsoorka sida ay uga qaramaan musuq maasuqa hay’adaha kale ee dawlada.
  21. Waxaa yar rabitaanka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka hadlida musuq maasuqa Garsoorka. Sidaasi darteed dooda dadweyne ee musuqmaasuqa Garsoorka waxaa ka badan mida Fulinta iyo Baarlamaanka.
  22. Taagerida bulshada caalamka ee isbedelka Garsoorka Soomaaliya aad buu u liitaa.

Talooyin

  1. Waa in la dhameystiraa heykalka maxkamadaha, taasi oo ay ka mid tahay aas aasida maxkamada dastuuriga.
  2. Waa in madaxbanaanida Garsoorka oo ku xusan dastuurka ay ixtiraamaan faracyada kale ee dawlada.
  3. Go’aamada Garsoorka waa in ay si buuxda u fuliyaan hay’adaha fulinta sharciga.
  4. Shaqaaleynta Garsoorka waa in uu ahaadaa mid furfuran oona ku dhisan qiimaha dadka la shaqaaleynayo.
  5. Garsooreyaalka waa in ay helaan tababar joogto ah ee xaga qiimeeynta sharciga, qorida xukunada, maamulida kiisaska, iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
  6. Waa in xaaladaha shaqo ee Garsooreyaalka iyo shaqaalaha kale ee garsoorka la wanaajiyaa. Waa in loo wanaajiyaa mushaarka iyo damaanada xaga amniga.
  7. Hay’ada shaqaalineysa xubnaha Garsoorka waa in ay ka madax banaanaataa faracyada dawlada ee Fulinta iyo Baarlamaanka.
  8. Waa in damaanad shaqo la siiyaa Garsooreyaalka u qalma eel eh waxbarasho heer sare ah iyo hawl karnimo.
  9. Eryinta Garsooreyaalka waa in ay ahaataa mid lagu sameeyo geedi socod furfuran ee cadaalad ku dhisan.
  10. Waa in la sameeyaa nidaam si qarsoodi leh lagu soo sheegi karo anshax dari ama musuq maasuq oo ay la kacaan Garsooreyaal, Qareeno, ama shaqaalaha kale ee maxkamada.
  11. Garsooreyaalka waa in ay si joogto ah u cadeeyaan maalkooda iyo xaga ay ka keeneen.
  12. Garsooreyaalka leh arrimo is khilaafka xaga danaha (Conflict of Interest) waa in ay iska saaraan qabashida kiisaaskaas ama uu ka saaraa Golaha Adeega Garsoorka.
  13. Mabaadi’ida Bangalore Principles of Judicial Conduct waa in la dhaqan geliyaa so nidaamka cadaalada garsoorka Soomaaliya oo u noqdaa mid la socda heerka caalamiga ah.
  14. Hay’ada Garsoorka waa in uu daabacaa sanadle xusayo shaqada uu qabtay iyo lacagta ku baxday.
  15. Hay’adaha Bulshada Rayidka waa in ay ka qeyb qaataan la lsocodka Garsoorka si ay u soo sheegaan dhacdooyinka musuq maasuqa.
  16. Aqoonyahanada Soomaaliyeed waa in ay ka ra’yi bixiyaan xukunada ay ridaan maxkamadaha si dadweynaha ay u fahmaan shaqada maxkamadaha.

 

 

 

Hubka Dowlada OO Si Cad Loo Iibiyo

 

Bilalki la soo dhaafay waxaa isa soo taraysay amni xumida ka taagan magaalada Muqdisho iyo koonfuurta Soomaaliya. Mid ka mid ah sababada amni darida keenaya baa ah dhaqdhaqaaqa hubka ee magaaloyinka Soomaaliya ee dowlada dhexe gacanta ugu jidha.

Sidi loo baari lahaa arrintaan, baa hay’ada marqaati fulisay eegid qaadatay 3 todobaad kaasi oo lagu eegayay suuqa ugu furan ee hubka lagu iibiyo magaalada Muqdisho

Suuqaan hubka baa ku yaala wadada gadaal ee Safari Hotel, agagaarka KM5. Eeg qariiradaan si aad u aragto goobta suuqa ku yaalo. Waxaa jira goobo kale ee magaalda ka tirsan kuwaasi oo hub lagu iibiyo; marqaati waxay u dooratay suuqaan maadaama uu yahay midka ugu fudud ee aan qarsoodi lahayn.

Hoos ka ee qariirada halka aay ku taalo suuqa hubka:


Eeg Mogadishu Arms Market iyadoo qariirad weyn ah.

Hoos ka eeg qaar ka mid ah sawirada aan ka soo qaadnay suuqa hubka:

This roadblock conveniently blocks most traffic from using the arms street

Jid gooyadaan ba ka sokeeysa suuqa hubka ee Hotel Safari gadaashiis.

 

Arms dealers openly exchanging a TT pistol

Tujaarta hubka oo si bareer ah u kala gadanaya bastoolad TT ah.

pistol2

Arms dealers trading an AK-47 inside a shop

Tujaarta hubka oo qori AK-47 ahi ku kala iibsanaya dukaan dhexdii.

Army officer discussing ammunition sells with known arm trader

Askari la hadlaya mid ka mid ah tujaarta hubka.

A soldier with two AK-47s. This is not around the Safari Hotel arms market.

Akari laba AK-47 heysta. Inkastoo meeshaan aysan aheyn Safari hotel agteyda, waxay muujinaysaa in ay jiraan askar hal qoray ka badan heysata.

 

The arms traders sit on the side of the road waiting for customers

Tujaarta hubka baa darbiyada fariista iyafa oo sugaya dad hub iibinaya ama iibsanaya.

 

 

 

Mutadawiciinta marqaati baa eegay suuqan banaan ee hubka min 5ta bisha labaad ilaa iyo 27da bisha labaad sanadkaan 2014. Waxaan aragnay waxyaabaha hoos ku xusan:

  • Niman ku labisan dareyska askarta dowlada baa hubkooda ka iibiya tujaarta hubka; tujaarta hubka waxay hubka ka sii iibiyaan tujaar kale iyo bulsho weynta.
  • Kala iibsiga hubka iyo rasaasta waxay dhacdaa iyada oonan la isku dayin xitaa in la qariyo, taasi oo muujinaysa sharci dari ka jidha qalbiga magaala madaxda, iyo kalsoonida ay ku qabaan tujaarta hubka in ay dowlada waxba aysan ka qabaneyn.
  • Tujaarta hubka iyo askarta hubka iska iibinaya mararka qaarkood waxa ay ku dhamaysataan ganacsigooda dukaamada ku yaala agagaarka suuqa hubka. Isla dukaamadaas baa la filayaa in ay ka dhacdo kala wareejinta lacagta.
  • Tujaarta hubka baa la arkay iyaga oo hubkooda u dhiibanaya wardiyeyaalka hubeysan ee ka ag dhaw suuqa hubka.
  • Hubkaugu badan ee lakala iibsado baa ah Ak-47 iyo rasaastiisa, iyo TT bastoolad iyo rasaasteeda.

Talooyin

Si loola dagaalamo dhibaatadaan, marqaati waxay soo jeedin waxyaabaha hoos ku xusan:

  1. Dawlada Soomaaliya in ay baarto suuqa madaw ee hubka lagu iibiyo eek u yaala KM5, talaabane ka qaado.
  2. Dawlada Soomaaliya waa in ay tira koobtaa hubka u xaraysan, sameysaane kormeer joogto ah si loo xaqiijiyo in hubka aanan la iibinin.
  3. In la sharciyeeyo lana dhaqan geliyo amarki dawlada ee ahaa in lala wareegayo hubka ay sitaan rayidka iyo dad dhar rayid sita.

 

Qiimeeynta Heerka Qatarta Musuqmaasuqeed ee Wazaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Hordhac

Musuqmaasuq – oo u taagan ku tumashada awood leysku aaminay si faaido gaar ahaaneed loo gaaro – baa si aad ah loo aaminsanyahay in ay ka jidho Soomaaliya halkaani oo Qarumaha Midoobay marar badan sheegay in madaxda dawlada ay lunsadeen lacago aad u fara badan.

Si loo ogaado asalka dhibaatada musuqmaasuqa ee dawlada dhexe baa hay’ada marqaati qaaday baaritaan ku aadan Heerka Qatarta Musuqmaasuqa ee wazaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Wazaaradaan waxaa loo doortay sababtoo ah waa mida ugu weyn ee hoos yimaadaan booliska, nabad sugida, iyo hogaanka socdaalka. Sidaasi darteed waa mid ka mid ah wazaaradaha ugu weyn muujinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa wazaaradaan waa mid muhiim u ah muwaadinka.

Ula jeedada baaritaankaan waa laba: mida koowaad waa in la ogaado qeybaha iyo qaab shaqooyinka u nugul musuqmaasuqa, mida labaad waa in marki la ogaado tan koowaad in la diyaariyo mashaariic lagula dagaalamo arrimaha keeni kara musuqmaasuqa ee ka jira wazaaradaan iyo kuwa kaleba.

Qaab Baaritaaneed

Waxaan isticmaalnay qaab baaritaan lagu qiimeeyo heerka qatarta musuqmaasuqed oo aay diyaarisay hay’ada Project Against Corruption in Albania (PACA) 2010ki kaasi oo ku mudan xaalada nabadgalyo taasi oo hay’adaani marqaati ku hawlgasho.

Shaqaale ka tirsan wazaarada iyo labo qofood oo la xiriira wazaarada baa loo doortay in ay ka qeyb galaan dood wadaag. Dood wadaagaasi inti lagu guda jiray baa hay’adaani marqaati weydiisay 75 suaalo lagu qiimeeynayo heerka qatarta musuqmaasuqa wazaaradaani (eeg Appendix 1 ee hoos ku xusan). Doodi kooxda la doortay baa lagu gaaray jawaab laysku raacsanyahay ee su’aal walba. Jawaabaha aysan aqoon si cad baa loo xusay, kuwa aanan quseynine waxaa lagu xusay M/Q oo u taagan “ma quseeya”.

Su’aalihi la weydiiyay ee ahaa 75ka, 12 ma aysan aqoon jawabtoda, 10na ma quseyn, si cad baana loo xusay. Sidaasi daraadeed, 53 suaal baa laga jawaabay kuwaasi oo sawir buuxa inaga siinaya heerka iyo dhacdooyinka musuqmaasuqa lagu arkay wazaaradan.

Su’aalaha muhiimka ahaa waa la helay jawabtooda kuwaasi oo taabanayay siyaasada la dagaalanka musuqmaasuqa, furfurnaanta, iyo la xisaabtanka ee wazaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Marki la ogaaday arrimaha qatarta musuqmaasuqa keeni kara ee ka dhex jira wazaarada baa hay’adda marqaati guda gashay baaritaan ku aadan hadi aay jiraan musuqmaasuq ay keeneen arrimaha la ogaaday in ay fududeey karaan in uu dhaco musuqmaasuq.

Waxaan baarnay keydka maaliyada si aan u ogaano hadii uu jiro wax is daba marin maaliyadeed. Waxaa kaloo laga xaqiijiyay macluumadki laga helay  shaqalihi  hore shaqaale kale ee wazaarada ka tirsan kuwaasi oo qeybo kale ka shaqeeya.

 

Caqabadaha

Xaqiijinta macluumaadka aan helno baa aad u adkaa sababtoo ah dadka macluumaadka ina siinaya baa ka laba labeeynayay in ay inoo xaqiijiyaan macluumaadka aan heesano iyagoo ka baqayo aar gudasho. Maadaama aanan helin dad wax badan inoo xaqiijiya baa warbixintaan ka reebnay dhacdooyin badan ee musuqmaasuq ahi kaasi oonan helin cid inoo xaqiijisa. Sidaasi oo ay tahay, waan baari doonaa mustaqbalka hadii ay inoo suura gasho.

 

In kastoo aanan dhacdo walbo halkaan ku xusi doonin, hadane qatarada la ogaaday baa aad u badan una baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Arrimaha keeni kara musuqmaasuqa ee lagu arkay Wazaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

  1. Wazaarada malahan shuruuc hoosaad ee la dagaalama musuqmaasuqa:
  1. Malahan qeyb la dagaalanta musuqmaasuqa
  2. Ma jiraan wadooyin lagu soo sheego musuqmaasuq wazaarada ka dhex dhaca
  3. Ma jiraan qaab dadweynaha ku soo dacweyn karaan shaqaalaha wazaarada
  1. Waxaa jira Qeybta Koormeerka lakin shaqaalaha wazaarada waxay sheegeen in aysan hawl galin.
  2. Shaqaalaha wazaarada kuma faraxsana shaqadooda waxayna ka cabanayaan xubnaha ugu sarsare wazaarada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay u mudax banaanyihiin maaliyada wazaarada oo siday rabaan ka yeelaan
  3. Wazaarada wax badan lama socodsiiso muwaadiniinta, taasi oo heerka qatarta musuqmaasuqa aad u kororsiineysa.
  4. Qaar badan oo shaqaalaha ahi ma oga xitaa shaqada laga rabo waxayna shaqo ku heleen qof ay yaqaanaan awgeed.
  5. Wazaarada in kastoo muwaadiniinta la fal gasho, malahan qeyb ay muwaadiniinta ku soo dacwey karaan shaqaalaheeda, taasi oo kororineeysa qatarta musuqmaasuqa.
  6. Shaqaalaha wazaarada waxay sheegayaan in Hogaanka Socdaalka iyo Barnamijki dhaqan celinta ciidanki Shabaab ka soo gostay ay yihiin labada meelood oo ugu nugul in musuqmaasuq uu ka dhaco.
  7. Wazaarada marki ay wax iibsaneyso cidi ay doonto bay wax ka iibsataa oo lama dalbado in sharikadaha u tartamaan
  8. Ma jiraan shuruuc la ogyahay oo la raaco marki la shaqaaleeynayo shaqaalaha wazaarada
  9. Lagama rabo shaqaalaha in ay sheegaan inta maal ay leeyihiin ka hor inta aysan shaqada qaban
  10. Lacagaha ay isticmaasho wazaarada iyo qaabka ay u isticmaasho waa la qariyaa
  11. Ma jiraan shurruc hoosaad ee akhlaaqda ku saabsan oo qoran ay ka warhayaan shaqaalaha wazaarada
  12. Shaqaalaha kuma faraxsana shaqadooda mana dareensana in ay u tababaranyihiin dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Dhacdooyin Musuqmaasuq ee lagu arkay wazaaradu

  1. Ma jiraan shuruuc la ogyahay oo la raaco marki la shaqaaleeynayo shaqaalaha wazaarada. Arrintan ayaa muuqata in si aad ah loogu tuntay taasi oo keentay in la shaqaaleeyo dad aanan u qalmin ama qibrad u laheyn shaqooyinka loo dhiibay. Tusaale ahaan, waziirka ina adeerkiis, Cawil Wehliye, baa ah liaisonka booliska u jooga UN-ka. Wuxuu kaloo saameyn badan ku leeyahay wazaaradu maadaama ay waziirka yihiin ilma adeer. Sidoo kale, waxaa qeybo muhiim ah ee wazaarada loo dhiibay niman ay waziirku isku fiicanyihiin sida Xuseen Cabdi Aadan oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee wazaaradan, taasi oo ah “Nin Jacleysi” waana mid kamid ah qeybaha musuqmaasuqa uu u kala baxo.
  2. Hal bil oo sandkaan ah baa madaxa maaliyada wazaaradan kala baxay bangiga dawlada lacag dhan 23,500 oo doolar taasi oo ah lacago isaga uu u bixinayo siduu doono kana baxsan lacagaha nus milyanka doolar ka badan ee si toos ah bishaasi loogu wareejiyay akoonka wazaarada.
  3. Baaritaanada horudhaca ahi waxeey muujinayaan in Hogaanka Socdaalka uu lacago kala baxo bangiga dhexe iyagoon waxba soo galinin inkastoo lacago fara badan ay ka qaataan muwaadiniinta marki ay baasaboorada u soo saaraan. Tani waxay muujinaysaa in dadki warka ina siiyay ay ku saxsanaayeen qiimeeyntooda aheyd in Hogaanka Socdaalka uu aad u sareeyo heerkiisa qatarta musuqmaasuqeed.

 

Waxaa loo baahanyahay in baaritaano dheeraad ahi lagu sameeyo arrimaha la cadeeyay ee hada horudhac ahaan muujiyay in qaab dhismeedka wazaaradu sahlayo musuqmaasuq hadane la arkay dhawr dhacdo muujinaya wax is daba marin.

Ugu Dambeyn

Aad bay u sareysaa qatarta in musuqmaasuq balaadhan uu ka dhaco wazaaradaani sababtoo ah waxaa jiro furfurnaan la’aan xaga macluumaadka, xuriyad maaliyadeed ee madaxda sare, iyo lahaansho la’aanta wazaaradan ee siyaasad ka hor tagta musuqmaasuqa.

Talooyinkan hoos ku xusan bay marqaati soo jeedineysaa in lagula dagaalamo qatarta musuqmaasuqa ka dhici kara wazaaradaan iyo kuwa kaleba:

  • In la sameeyo lana hawlgaliyo guddiga madaxa banana ee la dagaalanka musuqmaasuqa sida ku xusan dastuurka Somaliya Qodobka 111C.
  • In la sameeyo lana hawlgaliyo qeyb la dagaalanta musuqmaasuqa wazaaradan dhexdeeda iyo wazaaradaha kaleba.
  • In la siiyo shaqaalaha wazaarada tababar ku aadan akhlaaqda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa si looga hor tago in musuqmaasuq uu dhaco.
  • In la baaro sida ay u soo gasho iyo sida ay u isticmaalaan lacagaha dhamaan wazaaradaha iyo laamaha dawlada. Baarlamanka dawlada dhexe waa in uu sharci tani waajib ka dhigaya soo saaro.
  • In la dhaqan galiyo Qodobka 32 ee dastuurka Somaliya kaasi oo dhigaya in shaqsi walba uu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay hayso dawlada. In taasi waxaa dheer, Baarlamanka dhexe waa in uu sharci xoojinayo sharciga kor ku xusan soo saaro si loo xoojiyo dawlad furnaanta sida ku qeexan Schedule Kow (C) ee dastuurka.
  • Baarlamaanka dhexe waa in uu sharci waajib ka dhigaya in dadka xafiis dawladeed qabanayaan ee cadeeyaan lacagaha ay haystaan kahor inteyan xilka qaban iyo kadib marki ay ka degaan xilka soo saaraa si loola dagaalamo ku tagri falida hantida umada.
  • In khadka internetka ahi lagu daabaco miisaaniyadaha wazaaradaha, lacagaha soo galo, iyo sideey ku baxaan si loola xisaabtamo hada iyo mustaqbalkaba.

 

Waxaan ugu yeereynaa dhamaan dadka iyo hay’adaha nagu aragtida ahi in ay nagala shaqeeyaan sidii soo jeedinteena loogu dadaali lahaa in ay dhaqan galaan.

 

 

 


Appendix 1

A.Shaqada Hay’ada la baarayo

 

1.Waa maxay shaqada ugu muhiimsan ee hay’ada? Waa Wazaarad.

 

 

2.. Wazaarada ma leedahay warbixin cadeyneysa shaqadeeda? Shaqaalaha ma ka warqabaan? Shaqaalaha ma aaminsanyihiin in ay run tahay? Maya shaqaalaha ma arag meel ay ku qorantahay lakin waxay leyihin waan ka war qabnaa shaqadeena.

 

 

3.Qeybaha wazaarada ma leeyihiin shaqooyin cad ee qeexan? Shaqaalaha ma ka warqabaan? Shaqaalaha ma aaminsanyihiin in ay runtahay? Maya kama war qabaan shaqaalaha in ay jidho lakin waxey aaminsanyihiin in ay shaqadooda ogyihiin.

 

 

4. Dhamaan shaqaalaha wazaarada ma leeyihiin shaqooyin cad iyo meelo lagu hagaagi karo qeexitaanka shaqadooda? Maya.

 

 

B. Miisaaniyad

5. Waa meeqo miisaaniyada wazaarada? Lama Oga

 

6. Lacagaha side loo isticmaalaa marki loo kala qeybiyo mushaaraadka, maal gashiga, wax iibsiga, iwm? Lama Oga

 

7.Waa meeqa lacagta dhexdhexaadka ahi ee wazaaradu wax ku soo iibsato? Ma jiraan maal gashi ama wax soo iibsi weynaa ee wazaaradu gashay sanadkaan ama kii hore? Lama Oga

 

8. Waa boqolkiiba meeqa inta wax ay wazaarada soo iibsatay ee tartan lagu kala baxayo loo qabtay ee la siiyay cidi guuleeysata? Waxba

 

9. Sidee uu dhib badantahay farsamo ahaan go’aamada lagu gaaro lacag qaadashada ee wazaaradu? Yaa gaara go’aamada adag ee lacag bixinta siduuna ku gaaraa? Waxaa go’aamada gaara waziirka, agaasimaha guude, iyo madaxa qeybta maaliyada ee wazaaradu. Waziirku wuxuu u diraa cidi lacag weydiisata isaga madaxa maaliyada.

 

 

10. Go’aamada waxyaabada waaweyn lagu iibsanayo ma waxey u baahanyihiin saxiixa madaxda sare ama uma baahna? Waxey u baahantahay saxiixa madaxda sare

 

 

11.Go’aamada waxyaabada yaryar lagu iibsanayo ma waxey u baahanyihiin saxiixa madaxda sare ama uma baahna? Uma baahna.

 

 

12. Wazaarada maka heshaa lacago dadweynaha sida canshuur iwm? Sidee lacagahaas lagu keydiyaa lagulana socdaa? Qaabkee lacagahaas loo qaadaa? Wazaaradu baasaboorada bay soo saartaa  oo dadweynaha lacago looga qaadaa shaqadaasi. Lacagaha akoonka hogaanka socdaalka baa la galiyaa. Waxaa la aaminsanyahay in lacagtaasi aysan yareyn, mana aanan arag iyada oo bangiga dhexe ee dawlada lacagahaasi loo sii gudbinayo.

C. Maareynta Shaqaalaha

13. Meeqo qof baa wazaaradu ka shaqaysa? Lama oga

 

 

14. Meeqa ka mid ah shaqaalaha baa toos loo shaqaaleeyay iyo meeqo ayaa si aan toos aheyn loo shaqaaleeyay? Lama oga

 

15. Boqolkiiba meeqo ee katirsan qeybaha soo socdo baa ah shaqaale joogto ah, meeqo ayaa baroobo hal sano ku jira, iyo meeqo baa kontaraat gaaban ku jira?

 

b. Xoghaya Guud

 

t. Agaasimayaasha qeybaha ama agaasimaha guud

 

j. Agaasimayaasha hogaanada

 

x. Khubarada

 

Lama oga

 

16. Ma jiraan baaritaan ama xisaabaad ku saabsan shaqaalaha imaashiyadooda shaqada? Hadii ay haa tahay, ma waxaa loo arkaa in ay badantahay, yartahay, ama iska caadi? Haa way jirtaa; shaqaalaha si aad ah bay shaqada u soo xaadiraan.

 

17. Ma jiraan sharci hoosaad qeexaya qaabka dadka loo shaqaaleeysiinayo? Maya

 

18. Boqolkiiba meeqa baa dadka ay soo xushay guddiga shaqaaleynta la shaqaaleyn? Guddi shaqaaleeyn kama jiro wazaarada.

 

19. Marki la shaqaaleeynayo shaqaale xilal qatar u ah in musuqmaasuq ka dhacaan, ma jiraan waxyaabo la eegayo si loo hubiyo in shaqaalaha cusub uu aamin yahay? Maya

 

20. Marki dad soo dalbadaan shaqo, mala su’aalaa si loo hubiyo in aysan laheyn dano gaar ah oo ka hor imaanaya in ay qabtaan ama in ay si wanaagsan u qabtaan shaqadooda? Maya

 

21. Shaqaalaha ma ka war qabaan xaaladaha noqonayo khilaafka danaha shaqada iyo danaha gaar ahaaneed? Maya

 

22. Shaqaalaha cusub tababar mala siiyaa marki la shaqaaleeyo? Maya

 

23. Hadii ay haa tahay, tababarkaa ma ku jidhaa mid taabanayo akhlaaqda iyo aaminaada? Taba barkaan mar labaad miyaa la siiyaa marki la dalacsiinayo? M/Q

 

 

24. Shaqaalaha ma u haystaan in tababarka ay haystaan uu ku filanyahay si ay u maareeyaan arrimaha la soo darsa? Maya

 

25. Yaa u magacaaban in shaqaalaha ula tagaan arrimaha la sii darsa mise shaqaalaha kale bay ula tagaan arrimaha la soo darso? Shaqaalaha kama war qabaan qof u magacaaban arintaas

 

26. Shaqaalaha mushaaraadkooda ma aaminsanyihiin in ay si wanaagsan ugu filantahay, ku filantahay uun, ama ku yartahay si ay nolol macquul ah ku noolaadaan? Waxay aaminsanyihiin in ay ku filantahay uun

 

27. Shaqaalaha heerkee ayay dareemayaan in uu qiimeeyo i) wazaaradu, ii) madaxdooda sare, shaqada ay hayaan? Ma dareensana in ay qiimeeyso wazaarada ama madaxdooda sare

 

D. Nidaamka iyo go’aan gaarida

 

28. Wazaaradu ma sameysaa mid kamid ah inta hoos ku xusan?

b. Soo saarida baasaboorada ama shatiyada Haa

t. Shacabka miyay siisaa cayr? Maya

j. Ma waxay bixisaa lacago lagu dhimayo qiimaha badeecooyink? Maya

x. Shacabka miyeey lacago ka heshaa sida canshuuraad ama lacag sharciyeysan ee shaqo shacabka loogu qabanayo Haa

 

29. Ma jiraan qaab cad iyo doorasho sidi lacagtaas loo isticmaalayo iyo sidii loo qaado lacagahaa  Lama oga

30. Xagee laga heli karaa meel ay ku qorantahay shuruuc hoosaadkaa? Lama oga

31. Marki go’aanka ugu dambeynta ay gaari karaan saraakiisha goobta ku sugan, ma waxaa jira shuruuc hoosaad la raacayo sidii go’aamadaa oo kale lagu gaari lahaa? Maya

32. Hadii aanan go’aan la gaarin oo hadane la dhaafo xiligii loogu tala galay, arrinta xalinteeda muwaadinka miyaa loo xagliyaa? Maya

33. Bixinta waxyaabaha sida baasaboorada ama shatiyada ma waxaa laga bixiyaa hal xafiis si ayan muwaadiniintu u aadin dhawr xafiis? Haa

34. Ma waxaa jira dhawr goobood oo waxyaalaha kor ku xusan lagu bixiyo? Waa hal

 

E. Keydiinta

 

35. Wazaaradu ma leedahay shuruuc hoosaad cad oo qeexaya qaabka iyo sida loo keydinayo feylesha wazaaradu? Malahan waxaas oo kale oo ay ka warwabaan shaqaaluhu.

 

36. Go’aamada wazaarada mid mid miyaa loo keydiyaa iyada oo la raacayo nidaam cad ee la ogyahay? Go’aamada .

 

37. Yaa waayay cida heli karta feyleshaan, yaa waayay cida wax ka bedeli karta? Shaqsi gooni ah ee saasi yeeli kara ma jiro

 

38. Waa maxay heerka uu aarsiisanyahay furfurnaanta wazaarada eek u aadan feylesha gacanteeda ku jidho. Waa maxay feyleshu ay caam ahaan u fasaxaan iyo kuwa ay bixiso marki la weeydiiyo? Wazaaradu ma furfurna oo warbixino lama wadaagto muwaadiniinta iyada oo ku andcooneeysa arrimo amaan/

F. Furfurnaanta

39. Wazaaradu ma leedahay siyaasad rasmi ah oo ku aadan qeybinta macluumadka? Tan ma ka qeybtahay warbixino la qeybiyo iyada oonan la codsan oo u kala baxsan:

b. Qaab dhismeedka wazaarada iyo dadka lala soo xiriiri karo

t. Siyaasada wazaarada iyo feylesheeda

j. Sharciyada iyo shuruuc hoosaadka

x. Sharci la diyaarinayo

kh. Qaab shaqooyin muhiim u ah muwaadiniinta sida kuwa lagu xusay qeybta kore D.

 

Dhamaan waa maya

G. Helida macluumaadka

40. Wazaaradu ma leedahay sarkaal oo si cad ugu mugacaaban in uu ka jawaabo weydiisashada muwaadiniinta macluumaad sida uu dastuurka xaqaas u siinayo? Maya

41. Meeqo jeer baa wazaarada la weydiiyay macluumaad sanadkii hore? M/Q

42. Meeqo dalabaad baa la diiday ama hada dood ka taagantahay?  M/Q

H. Shuruucda sugaya amaanada iyo akhlaaqda

43. Wazaarada ma leedahay shuruuc hoosaad sharaxaya shaqaalaha qaabka laga rabo in uu u shaqeeyo ama akhlaaqda laga rabo? Hadii uu leeyahay, shaqaalaha kama warqabaan.

44. Shaqaalaha ma loo sheegaa jiritaanka shuruuc hoosaadka marki shaqo loo dhiibayo? Maya

45. Meeqo jeer baa shaqaalaha la siiyaa tababar ku aadan akhlaaqda? Qaar waa la siiyay qaarna lama siin tababar, kuwa la siiyayne hal jeer ka badan lama siin.

46. Shaqaalaha si wanaagsan ma u yaqaanaan shurucdaan? Sidee loo xaqiijiyaa in ay bartaan shuruucdan? Maya, kama war qabaan shuruucdan.

 

47. Ma jiraa shuruuc ama dokumenti kale oo u sharxaya shaqaalaha sida laga rabo in ay u dhaqmaan haduu yimaado iska hor imaad xaga danahooda gaarka ah iyo kan wazaarada? Maya

I. La Xisaabtanka

48. Shaqaalaha ma leeyihiin wadooyin si cad loo qeexay oo ay ula socodsiiyaan madaxdooda shaqada ay qabteen ama go’aamo ay gaareen?  Maya

49. Ma jiraa qeyb kormeer oo ay wazaaradu leedahay? Haa laakin waxaa lagu qiimeeyay in uusan shaqeyn.

50. Meeqo kormeer buu qabtay sanadki hore?  Lama oga

51. Ma jirtaa qeyb qiimeynta gudaha? Haa, lakin sidoo kale shaqadeeda kama soo baxdo sida ay aaminsanyihiin dadka dood wadaaga ka qeybgalay.

52. Waa maxay wax yaabaha ugu muhiimsan ay qeybta kor ku xusan aragtay sanadki hore? Lama oga

53. Meeqo jeer baa wazaaradu qiimeeysay hay’ad banaanka ka timid? Marna sanadki hore

54. Meeqo jeer baa wazaaradu lagu sameeyay qiimeeyn oo ay samaysay urur banaanka ahi? Marna sanadki hore

55. Waa maxay waxyaabaha ugu waaweyn aa ay arkeen ururadaan banaanka ka yimid oo wazaaradu qiimeeyay? M/Q

J. Dacweynta gudaha dadka jabiyo shuruuc hoosaadka akhlaaqda

56. Ma jiraa wadooyin la ogyahay oo loo maro marki la dacweynayo shaqsi jabiyay amaanada ama shuruuc hoosadka amaanada oo lagu dacweyo sarkaal u taagan shaqadaa? Maya

57. Hadii sarkaalka u taagan in dacwo loo keeno uu yahay qofka la dacweynayo, ma jiraa wado kale ee dacwada loo mari karo in la geeyo? Maya

58. tababar malagu siiyaa wadooyinkan iyo shaqsiyaadka laga rabo in ay dacwooyinka u geeyaan? Maya

59. Ma jiraa qaab lagu badbaadinayo kuwa soo sheega dhaqan xumi si aanan looga aar gudan? Maya

60. Meeqo dacwado bay shaqaaluhu keeneen 12ki bil ee u dambeysay iyo maxay aheyd natiijooyinkooda (kan dacwada keenay iyo kan la dacweeyayba)  Ma jirin wax dacwado ahi maadaama aysan jirin qof loo dacwoodo ama badbaado la siinayo qofki dacwada keena.

K. Ashtakada ka timaada shacabka

61. Ma jiraan wadooyin cad ay muwaadiniintu dacwo ka keeni karaan wazaaradu ama shaqaalaha wazaaradu? Maya

62. Xagee laga heli karaa meel ay ku xusanyihiin wadooyinka loo marayo dacwada ka dhanka ah wazaarada ama shaqaalaheeda?  M/Q

63. Hadii ay jirto, go’aamada ku aadan dacwadaha ma waxaa qaadanayo qofki ama qeybti dacwada laga keenay? M/Q

64. Meeqo dacwado ayay wazaaradu heshay sanadkii hore? Lama Oga

65. Meeqo dacwo bay cadaatay in ay ku salaysnaayeen xaqiiq? Lama oga

L. Ciqaabeynta iyo go’aan ka gaarida kuwa laga ashtakooday

66. Meeqo shaqaale baa la hor keenay guddi qaabilsan disipliinka si loo eego in ay ku keceen arrimo jebinayo shuruuc hoosaadka akhlaaqda? Midna

67. Meeqo kamid ah fadhiyada disiplinka baa ku dhamaaday iyada oo go’aan laga qaatay shaqsigi ashtakada laga keenay? M/Q

68. Waa maxay go’aamada laga qaatay shaqaalaha laga keenay ashtakadu? M/Q

M.Qeybaha ugu nugul in dhaqan xumi ka dhaco

69. Ma sheegi kartaa qaybaha ama shaqooyinka wazaaradan ee ugu nugul in ay ka dhacaan dhaqan xumi?  Xafiiska agaasimaha guud, hogaanka socdaalka, iyo barnaamijki dhaqan celinta kuwi ka soo goostay Shabaabka

70. Malaga sameeyay wazaarada baaritaan qaybaha ugu qatar badan in lagu dhaqan xumoodo wazaaradu? Maya

71. Qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee wazaaradu ma qaadanaa tilaabooyin lagu saxayo arrintaan? Ma lahan wazaaradu qorshe la dagaalan musuqmaasuq

N. Siyaasadaha la dagaalanka musuqmaasuqa

72. Yaa waayay cida wazaarada ka tirsan ee shaqadiisu tahay dhaqan gelinta, la socodka, xiriirinta, iyo sameynta siyaasad la dagaalanka musuqmaasuqa? Qofna

73. Mas’uuliyadaan maku cadahay qeexida shaqadiisa (eeg su’’asha 4)?  M/Q

74. Ma jiraa koox shaqo ee wazaarada ka tirsan ee u xil saran sameynta, isku xirka, la socodka, iyo ka warbixinta siyaasad la dagaaln musuqmaasuqeed? Maya

75. Meeqo jeer bay kulantaa kooxdaan? M/Q


Appendix 2

Keydad bangi. Nala soo xiriir hadaa doonto inaad aragto keydadkani.

 

Musuqmaasuq Dilaa Ah

Sameynta warbixintaan waxaa ay ku qaadatay 10 mutadawiciin ee ka tirsan hay’adda marqaati kuwaas oo raacay gaadiidka dadweynaha ee kala goosha xaafadaha magaalada Muqdisho iyo wadada aada Afgooye, Balcad, iyo Ceel Macaan. Waxaa aay qaadatay 29 maalin in la cadeeyo goobaha ka muuqda qariirada la socoto warbixintaan oo ah meelaha lagu qaado lacago sharci daro ah ee aan aheyn canshuur dowladeed. Waxaa kaloo la wareystay dad gaaraya 40 ee isugu jira darawaliin iyo shacab caadi ah ee wadada isticmaalayay si loo xaqiijiyo in goobaha xusan ay yihiin kuwo si caadi ah wax loogu qaado.

Intaa ku guda jirnay baaritaanadeena waaxaa inoo cadaatay inta hoos ku xusan:

  1. Ciidamada qalabka sida ee dowlada in ay ka qaataan lacago sharci daro ah gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee isticmaala goobaha ku calaameeysan qariirada.
  1. Qaadashada lacagaha sharci darida ahi waxaa ay caqabad ku tahay amaanka maadaama aysan wado ka xirneyn lana baarin ninki lacag bixiya.
  1. Ciidamada amaanka inta badan ma bixiyaan lacagaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha hadii ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.
  1. Waxaa ay qaataaan lacago sharci dari ahi iyo ku raacaan gawaarida dadweynaha iyaga oonan bixin lacag  iyaga oonan la dhuuman, taasi oo dadka kalsoonida ay u qabaan dowlada lumineysa.
  1. Dhamaan lacagaha sharci darida ahi waxaa lagu qaataa goobo lagu ogyahay ciidamada amaanka ama goobo u dhaw.

Faahfaahin

Waxaa ku sameeynay baaritaan qaatay 29 maalmood 12 goobo ay si toos ah ugu sugan yihiin ciidamada amaanka kuwaas oo loogu tala galay in lagu baaro gawaarida ama lagu qaado lacago canshuur ah. Sidoo kale waxaan aragnay in intaas kabadan oo ah goobooyin soo boodo ahi kuwaas oo lagu qaado lacago sharci dari ahi. Meelaha soo boodka ahi hadaan la arag 3 maalin oo isku xigta ma aanan ku xusin qariirada.

Waxaa ka qeyb qaatay baaritaankan 10 mutadawiciin oo wareysi hoose la yeeshay 40 qof isticmaala wadooyinka. Lacagaha sharci darida ahi ee lagu qaado wadooyinka kama yara 3 kun ee doolarka mareykanka ahi labadii saac maalinti oo ah inta saacadood ay wadooyinka ku sugnaayeen baareyaasha mutadawiciinta ahi. Taasi micnaheeda waxaa weye in maalinti lacagaha sharci darida lagu qaado aay si aad ah uga badan tahay 3 kun oo doolar.

Lacagaha aan aragnay halki mar waxaa u yaraa 5000 shillin Soomaali (0.25 doolar), waxaana u badnaa 1000,000 shilin Soomaali (50 doolar). Eeg qariirada hoos ka muuqata:


View Illegal Money Collection Points In and Around Mogadishu Iyadoo ah qariirad weyn

Halkaan guji si aad u aragto sawiro askar ku mashquulsan laaluush qaadasho

Tani waa mid joogto ahi taas oo wiiqeeysa dhaqaalaha dalka qatarna galineysa amaanka magaalo madaxda.

Inta badan goobaha lagu qaado lacagaha sharci darida ahi ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda waa gobo isticmaalaya dabool sharciyeysan.

Meelaha qaar waa goobo loogu talo galay in lagu baaro gaadiidka hadane aanan lagu baarin oo lacago qura loogu qaado. Taasi waxaa marqaati ka ahaa mutadawiciinta marqaati ee aanan la baarin mar qura 29ka maalin ay ku guda jireen baaritaankaan. Xitaa xiliyada ee jirto cabsida oo la xiro wadooyinka qaarkood waxaa marqaati aheyn iyada oo booliska wadada ilaalinaya qaadanayaan qaarkood waxa ay ugu yeeraan “shaah” si ay u fasaxaan gaadiidka dadweynaha ee bixiyo lacagta shaah.

Waxaa cad in baaritaan la’aanta gawaarida ee goobaha loogu talo galay kuwaas oo ku mashquulsan laaluush qaadasho ee si weyn u wiiqeeyso amaanka magaalada Muqdisho. Eeg qariiradaan si aad u aragto goobo ka tirsan kuwi la weeraray ee qaraxyada ka dhaceen inti aan ku guda jirnay baaritaankaan.


View Selected Attacks From June to July Iyadoo ah qariirad weyn

Jidgooyooyinka qaar ee sharciga ahi waxaa lagu eegaa in gaadiidka dadweynaha ay iska bixiyeen canshuurta dowlada iyo in ay u sharciyeysan yihiin shaqadooda. Qaar badan oo ka mid ah gawaarida dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho ma sharciyesna darawaladoodane malahan laysen, sidaasi darted waxaa ay u nugul yihiin booliska wadada kuwaasi oo handada hadane wax ka qaato markeey doonaan.

Markaan aragnay culeyska dhaqaale iyo qatarta dhinaca amaanka ee la xiriira isbaarooyinka lagu qaado lacagaha sharci darida ahi waxaan soo jeedineeynaa arrimahaan hoos ku qoran:

  1. In la hormariya aqoonta ciidamada lagu aaminay qalabka lagana saaro kuwa ay ku cadaato tuugnimo.
  2. In la siiyo ciidamada amaanka mushaarkooda buuxa bil walba.
  3. In laga mamnuuco qaadka ciidamada amaanka maadaama aysan waxba iska badaleyn hadii la siiyo musharkooda waqti ku haboon iyaga oonan laga joojin qaadka.
  4. In la sameeyo qeyb ka tirsan wazaarada arrimaha gudaha taasi oo raadisa, baarta, xarigna u geeysata ciidamada amaanka ee qaata lacagaha sharci darida ahi.

Hadaan nahay marqaati waan ognahay in fulinta arrimaha kor ku xusan waqti aay qaado doonto laakiin waxaa aaminsan nahay in aay waajib tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan tilaabooyin loo qaado si dhibaatadaan taagan oo ah ciidamada amaanka oo si bareer ah shacabka lacag sharci daro ahi uga qaadanayo loo joojiyo.