marqaati waxaa ka shaqeeya mutadawaciin ku sugan gudaha iyo dibada Soomaaliya
Xaaladaha amaanka ee ka jira Soomaaliya awgeed iyo musuqmaasuqa balaadhan , lama magacaabi karo shaqaalaha ku sugan gudaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo leenahay dad ka shaqeeya xafiisyada dowlada qaarkood kuwaasoo nagu caawina macluumaad.
Dhamaan magacyada ku qoran bogaan ku leenahay internetka waa magacyo la bedelay. Sidaas aay tahay, qof walbo hal naanees buu ku leeyahay bogaan.
Xarunteena
Sababo amni awgeed, fikrad dheeraad ah baan siinay goobtaan ku shaqeeyno iyo sidaa u maareeyno arrimaheena. Hadii aad doonto, nala soo xiriir si aan kuugu sharaxno waa hadii aan u aragno munaasab.
Qaabkaan U Shaqeeyno
In kastoo musuqmaasuqa ka dhaca Soomaaliya aay u badantahay midka hoose ka dhaca ee maalinlaha ahi ee dadweynaha oo u jeedo dhaco, waxaa jira kuwa waaweeyn ee indhaha dadweynaha ka fog. Si aan u helno macluumaad ku saabsan musuqmaasuqa qarsoodida ahi, waxaa na taageera dadweynaha oo ina siiya macluumaad aan ku halwgali karno.
Macluumaadka nala siiyo waa aan baarnaa dabadeedna soo saarnaa war bixin hadii aan cadeeyno. Tusaale ahaan, iyada oo marqaati si rasmi ah 26 Agoosto u shaqo bilaabeeyso, hadane waxaan ku guda jirnaa baaritaan aan soo wadnay laba bilood kaasi oo ku saabsan musuqmaasuq heer sare ahi oo ka taagan mid ka mid ah wazaaradaha dowlada dhexe. Warbixintaa waxeey soo bixi doontaa September.
Yaa Ina Taageera
Sababaha amni awgeed, ma daabici karno magacyada shaqsiyada ina taageeray, laakiin waxaa siinaa aqoonsi iyaga u gaar ah. Tusaale ahaan, hadii Cali aqoonsigiisa yahay 001 uu ina siiyo 10 doolar manta iyo hal sano kadib, labadaba jeer waxaan xuseynaa in 001 uu ina siiyay 10 doolar.
Ilaa manta waxaa ina taageeray shaqsiyaadka hoos ku xusan:
T1: 100 USD
J1: 160 CAD
MM: 25650 USD
Waxaa ka helnay taageero adeeg inta hoos ku xusan:
A1: Adeeg isgaarsiin
Hay’ad deeq-bixin:
E, D
Hadaa doonto inaad na taageerto ama nala shaqeeyso nagala soo xiriir halkaan