Soo Koobida
Shantii sano ee ay jirtay maamulkii hore ee Soomaaliya (2017-2022), beesha caalamku waxay muhiim u ahayd maalgelinta dowladda, iyadoo dabooli jirtay wax ku dhow kala bar miisaaniyadda qaranka. Waxay aheyd in beesha caalamku ay dalbato la xisaabtanka dowladda Soomaaliya, balse ma muuqato wax muujinaya inay saameyn togan ku laheyd dawladda. Lacago ayaa la xaday sidii caadada ahayd; doorashooyinkii lagu shubtay sidii caadada ahayd; siyaasiyiinta mucaaraadka ah ayaa sidi caadada aheyd loo handaday oo loo weeraray; iyo dimoqraadiyaynta oo aan la hagaajin sidii caadiga ahayd.
Dhammaan falalka ka dhanka ah dimuqraaddiyadda iyo musuqmaasuqa waxaa kabtay beesha caalamka oo ay ku jirto $5,936,316.23 oo kaalmo dibadeed ah oo aan meelna lagu sheegi karin sanadka 2020, sida ku cad baaritaanka uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud (XHG).
In kasta oo shantii sano ee la soo dhaafay la arkayay tallaabooyin laga qaaday tiro yar oo ka mid ah saraakiisha musuqmaasuqa ku kacay ee aanan heyn masúuliyad sare, waxa ay ahayd mid is tustus ah oo aanan looga hortagin musuqmaasuqa nidaamka.
Qandaraasyada dawladda ayaa la sii waday in la siiyo saaxiibbada siyaasadeed ee kuwa awoodda leh, taas oo ay suurtagelisey habka wax iibsiga ee mugdiga ah. Ma ahan oo kaliya in laaluush lagu bixinayay qandaraasyada, laakiin saraakiisha qaar ayaa sidoo kale la sheegay inay ahaayeen kuwo hadh leh oo leh shirkado ay qandaraasyo dawladeed ay siiyeen.
Wasaaradaha, waaxaha, iyo wakaaladaha (MDA) waxay sii wadeen in ay isticmaalaan lacagaha ay ururiyaan iyagoonan khasnadda dawladda aanan lacagta ku shubin, taasoo lid ku ah sharciga. Markii uu Hanti-dhowraha Guud (HG) ka warbixiyay MDA-yada la wadaagay bayaannada isaga, ma uu helin MDA-yo badan oo raba inay macluumaadka la wadaagaan isaga sannadaha xiga.
Waxaa taas ka sii daran, Xeerka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ee 2019 waxaa loo qoray si ay MDA-yada u helaan daldaloolo u oggolaanaya in aysan macluumaadka la wadaagin HG haddii ay doonaan. Xeerkani wuxuu u baahan yahay in si degdeg ah wax looga beddelo si arrintan loo hagaajiyo.
Kaliya shan MDA-yo ayaa oggolaaday inay la wadaagaan xisaabaadka HG sannadaha 2018 iyo 2019, oo muujinaya ururinta iyo isticmaalka $3,207,570. Sannadihii xigay waxa la arkay shan safaaradood oo wadaaga ururintooda iyo isticmaalkooda oo ah $1,335,475.46. Wadartan dhan $4,543,045.46 waa qayb aad u yar oo ka mid ah lacagaha ay ururiyaan oo ay isticmaalaan MDA-yada, taasoo ka dhigaysa jeesjees PFM iyo miisaaniyad sanadeedka.
Iyada oo ku saleysan dib u eegistayada warbixinnada XHG ee sannadaha 2019-21, ugu yaraan $95,804854 lama xisaabin.
Shanti sano ee la soo dhaafay waxaa la abuuray labo guddi oo aan u doodnay, balse iyadoo aan la raacin habraacii saxda ahaa ee baarlamaanka, taasoo keentay in dadaalkii la sameeyay uu noqdo mid aan faa’iido lahayn: Waxaa la sameeyay Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyada oo aan ansixin golaha saree e baarlamaanka. Sidii la filayeyba, waxaa labadoodaba kala diray Madaxweynaha cusub Oktoobar 2022.
Halkan ka degso warbixinta oo dhammeystiran: