Dhamaadka xiliga ku meel gaarka ah ee 2012 wuxuu keenay in qiimaha dhulalka Muqdisho ay cirka isku shareeraan ee meelaha qaar ay gaaraan toban-laab heerkoodi hore. Tani waxay keentay in shaqsiyaad gaar ah ay iibsadaan dhulal guud iyagoo u maraya saaxiibadood ka tirsan dawlada.
Maanta oo ah maalinta la dagaalanka musuq maasuqa ee caalamiga ah, aan eegno saameynta musuq maasuqa uu ku yeeshay Muqdisho halkaasi oo si aanan daah furneyn inta badan jardiinooyinka dadweynaha laga iibiyay shaqsiyaad lagana dhigay goobo lagu iibiyo petrool ama goob maqaayad ah.

Tani waa Afarta Jardino qeybta Yaqshid. Sawirkan hal sano ka hor baa la qaaday inta aanan shaqada laga bilaabin goobta.

Waa tanaa goobti oo shaqo laga bilaabay sanadkan kadib ku dhawaad hal sano oo shaqo laga qaban kadib marki uu maamulka gobolka soo fara galiyay. Hada cid hor taagan malahan shaqada wey socotaa.

Goobtaan ee degmada cabdicaziiz waxay aheyd goob shidaal xiligi 1991 ka hor. Sanadkan waxaa la wareegay sharikad gaar loo leeyahay.

Goobtaan SInai (Bondhere) waxay aheyd goob shidaal lagu iibiyo ee dawlada leedahay. Waxaa shaqo ka wada shaqsiyaad gaar ah.