Shaqadeena
Ujeedada hay’adda marqaati waa in la baabi’iyo musuqmaasuqa ka jira dowladaha hoose iyo mida dhexe ee Somaliya iyadoo taageeraysa furfurnaan, amaano, iyo mas’uuliyad qeyb kastoo ka tirsan laamaha xukunka. Qayimka ugu weyn ee u taagan nahay waa dimuqraadiyad, mas’uuliyad, furfurnaan, amaanad, geesinimo, iyo cadaalad.
Aragtideena
Waxaa u dadaaleynaa Somaliya oonan loo adkeysan musuqmaasuqa dowladeed oo ugu dambeynti la baabi’iyo, iyo musuqmaasuqa dadka ay ku cadaato musuqmaasuqane cadaalada la horgeeyo loona diido in ay ka qayb galaan siyaasada, iyo in muwaadiniinta ay ogaadaan xaqooda ayna xor u noqdaan cabiraada ra’yigooda iyagoon ka baqin in dowladu ay ka aargudato.
Qayimkeena
- Dimuqraadiyad
- Mas’uuliyad
- Furfurnaan
- Amaanad
- Geesinimo
- Cadaalad
Mabaadii’ida ina hagto
- Waxaa la shaqeey doonaa dhamaan hay’adaha la dagaalama musuqmaasuqa ee ka shaqeeya gudaha iyo dibada.
- Shaqadeena kuma lug lahaa doonto siyaasad ama qabiil.
- Waan cambaareey doonaa meel walbo oo musuqmaasuq ku cadaada.
- Waxaan qaado doonaa go’aamo lagu gaaray xirfad iyo dhexdhexaadnimo.
- Ma aqbali doono taageero maaliyadeed ee naga hor istaagta inaa ka hadalno wax yaabaha aan aaminsan nahay.
- Waxaan siin doonaa dadka daneeynaya warbixino sax ah iyo waqti ku haboon.
- Waan dhawreynaa hadane ixtiraameyna xuquuqda aas aasiga ee bani aadamka anaga oo dhiiri galineyna in la ixtiraamo lana dhawro xuquuqda aas aasiga ee bani aadamka.