Xaalka Isla Xisaabtanka Soomaaliya ee 2018 : Waddadi Musuqa oo aanan Laga Leexan

Warbixinta oo Kooban

Doorashadi Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee 8da Febraayo 2017 waxey dhiiragelisay marqaati maadaama uu Farmaajo u muuqday musharaxa ugu wanaagsan isla xisaabtanka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha wuxuu u muuqday in uusan dan ka laheyn in uu wax maamulo isagoo awood badan siiyay Raisal Wasaaraha. RW oo rug cadaa ka ahaa ololihii musuqa baahsanaa ee madaxweynihi hore, wuxuu la dagalanka musuqmaasuqa ka dhigay wax aanan ahmiyad u laheyn. Hadalka marki loo eego, isla xisaabtanka waxey aheyd midda udub dhexaadka u ah hadalkiisa. Sidaasi oo ay tahay, wuxuu si baahsan u isticmaalay laaluush si uu u gato mucaaradkiisa siyaasadeed isagoo isticmaalay lacago laga soo leexiyay Maamulka Gobolka Banadir iyo boorsooyin lacag oo laga keenay dawlad Khaliijka ku taalo.

Marki ay laaluush iyo shaqaaleeysiin ay wax ka tari weyday dhammaan dadka dawladda dhaleeceeya, caburis iyo aamusinta mucaaradka ayaa noqday aaladaha cusub. Muqdisho waxa ay qarka u saarneyd in ay burburto dhawr jeer sanadkii 2017 iyo 2018 iyadoo sababtu ay aheyd habdhaqanka RW oo taageero ka helaya Madaxweynaha.

Inti uu RW ku mashquulsanaa caburinta Muqdisho, Madaxweynaha wuxuu diirada saaray wiiqidda nidaamka federaalka ah kadib marki ay dawlad goboleedyada ay diideen in ay xaaladda Khaliijka ka qaataan mawqifka dawladda dhexe ee magac ahaan ahaa dhexdhexaadnimo lakin dhab ahaan ahaa mid dhan u janjeera. Arrintan waxey ku dambeysay in xilka laga qaaday mid kamid ah madaxweynayaasha gobolloda iyo diyaarinta mooshino kalsooni kala noqosho ee maamul goboleedyada kale. Sida muuqata, dhaqdhaqaaqyada DFS waxey yeelatay saameeyn cagsi ku ah ula jeedki laga lahaa: DFS maanta ayay maamul goboleedyada kaga saameeyn yartahay marki loo barbardhigo kahor inta aysan bilaabin awood bursigeeda.

Dhanka dhisidda hay’adaha dawliga, DFS wax kama qaban dhisidda xubnaha dawladnimo ee muhiim u ah sameynta dawladnimada Somalia. Waxaa kamid ah hay’adaha aanan la dhisin Maxkamadda Dastuuriga, taasi oo dhexdhexaadin laheyd DFS iyo dawlad goboleedyada; sidoo kale lama dhisin golaha ladagaalanka musuqmaasuqa, taasi oo awood u lahaan laheyd in ay soo celiso hantidi la boobay; iyo Guddiga Adeegga Garsoorka, kaasi oo sahli lahaa dib u habaynta garsoorka.

Sida muuqata arrinta ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda ayaa ah in ay hesho awood aanan lala xisaabtamin. Si taasi loo gaaro, waxey tuureen guddoomiyaha baarlamanka oo ay ku bedesheen mid ay leeyihiin; waxey eryeen xubnaha Maxkamadda Sare oo ay ku bedesheen dad daacad u ah. Saddexda garab ee dawladda ayaa hadda gacanta si buuxa ugu jira Villa Somalia.

Xukuumadda ayaa sidoo kale isku dayaysa in ay awoodeeda ku kordhiso iyada oo u mareysa dib u eegidda dastuurka, si ay dawladda dhexe u hesho awood aad uga badan gobollada. Taasi haddii ay dhacdo, ismariwaa keeni kara xasilooni darro ku timaada geedi socodka sameynta dawladnimada aya dhici karta.

Madaxweyne Farmaajo looma maleynayo in uu si shakhsi ah uga faa’iiday lacag la lunsaday. Hase ahaatee ballamahiisa ee ladagaalanka musuqmaasuqa weli lama hirgelin. Wuxuu weli leeyahay fursad uu ku sameysan karo dhaxal iffayo haddii uu qaato tilaabooyinka loogu soo jeedinayo xagga isla xisaabtanka.

Warbixinta Musuqmaasuqa 2018