Doorashooyin Aanan Sharciyad Laheyn

Doorashooyinkii dhacay ilaa maanta ayaa ah kuwo gebi ahaanba la musuq-maasuqay, iyadoo afar hab oo waaweyn loo adeegsaday arrintaas. Habka ugu horreeya waxey aheyd u “xiritaanka” kuraasta musharax gaar ah, iyada oo musharraxa uu keensada “malxiis”is casila kahor intaysan doorashada dhicin. Cod furan ayaa markaa dhaca, taas oo dammaanad qaadaysa in musharraxa keliya uu ku guuleysto cod aqlabiyad ah. 54-ka Senatar ee Aqalka Sare, 22 ka mid ah ayaa sidan lagu doortay. Habka labaad ee lagu musuq maasuqay doorashada ayaa ahaa iyadoo loo diiday musharax aan la rabin in la siiyo warqadda caddeynta amniga. Habka saddexaad waxa uu ahaa in la sameeyo codbixiyeyaal been abuur ah oo aan metelin beelaha ay kursiga ku fadhiyaan – taas oo ahayd in la iska indha tiray oday dhaqameedyadii dhabta ahaa oo cid kale la keensaday. Labadan hab ee ugu dambeeya ayaa inta badan loo adeegsaday doorashada Aqalka Hoose, iyadoo dhammaan musharixiinta aysan dooneyn madaxweynayaasha dowlad goboleedyada (FMS) laga saaray. Habka afraad wuxuu ahaa iyadoo la adeegsanayo dhiirigelin lacageed si loo hubiyo in musharrixiinta la doonayo ay doortaan baarlamaannada FMS iyo ergooyinka doorashada.

Doorashooyinka Aqalka Sare

Doorashooyinka aqalka sare ee maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland waxaa gabi ahaanba gacanta ku hayay hogaanka maamul goboleedyada. Musharixiinta waxaa lagu soo xushay daacadnimada ay u hayaan madaxda maamul goboleedyada. Xubnaha Baarlamanada maamul goboleedyadan waxaa la siiyay $3000 midkiiba. Musharixiinta ayaa laga sugayay in ay bixiyaan qarashaadka isdiiwaan galinta iyo tan musharaxiinta been abuurka ah. Dhanka kale, musharixiinta qaar ayaa lacagtaas ka helay shaqsiyaadka u tartamaya madaxweynaha ama madaxweynayaasha FMS laftooda.

Saddexda FMS ee HirShabelle, Galmudug iyo Somaliland, musharraxiinta iyaga ayaa si gaar ah lacag u siinayay xildhibaanada FMS yada. Sidii hore oo kale, waxa dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay shakhsiyaadka u tartamaya jagada madaxweynaha. Hirshabelle, booska ugu qaalisan ayay musharaxiinta isu geeyntooda bixiyeen $9,000 halkii kursi. Maadaama Hirshabelle ay leedahay 99 xildhibaan oo FMS ah, kursigaas waxaa ku baxay lacag ku dhow hal milyan oo USD. Laaluushka waxaa loo dhiibayay “guddi” ka wakiil ah xildhibaanada. Guddidani waxay iyaguna ku hawlanaayeen bixinta lacagahan.

Maamulka Galmudug, ayaa kuraastii aqalka sare u xiray musharaxiin gaar ah. Musharixiinta la doonayo ayaa laga sugayay in ay keenaan laaluushkooda oo inta badan ahaa $2,000 codkiiba, kuwaas oo u keenaya hogaanka gobolka. Maaddaama Galmudug ay ka kooban tahay 89 xildhibaan, tani waa $178,000 kursi walba. Musharixiinta ayaa dhamaantood waxa ay wateen musharixiin been abuur ah oo is casilay ka hor inta aan doorashada dhicin.

Doorashadii Somaliland ee ka dhacday Muqdisho, lix ka mid ah 11-kii kursi waa la “xidhay”, iyadoo musharrixiinta la doonayo ay wataan musharaxiin been abuur ah. Maaddaama aysan Somaliland jirin madaxweyne ama baarlamaan FMS ah, laaluushku wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu hooseeya, oo ah $ 1000 codkiiba, taas oo u dhiganta $ 54,000 halkii kursi.

Doorashooyinka Aqalka Hoose

Doorashada aqalka hoose way sahlanaatay in lagu shubto sababtoo ah kuma lug lahayn baarlamaanada FMS yada. Halkan, warqadda ammaanku waxay ahayd aaladda ugu weyn ee looga hortago musharraxiinta aanan la rabin. Intaa ka dib, waxaa jiray ergooyin been abuur ah oo ay soo xuleen dad aanan ahayn oday dhaqameedyada dhabta ahaa.

Doorashada ilaa maanta ka dhacday Aqalka Hoose awaxaa u qaalisanaa tan Galmudug oo codkiiba gaaraysa $2,000 ($202,000 halkii kursi), waxaana ugu jaban Koonfur Galbeed oo kursiga ugu jaban uu ahaa $150 codkiiba ($15,300 halkii kursi). Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa in lacagtaasi inteeda badan aysan gaarin ergada wax dooraneysa ee maamulka Koonfur Galbeed; lacagtaas waxaa lasiiyay dad dullaaliin ah oo matalayey madaxda FMS. Ergada ayaa la siiyay qayb ka mid ah laaluushka dhabta ah ee ay bixiyeen musharixiinta.

Waxa la filan karo iyo talooyinka

Iyadoo inta badan ay harsan tahay doorashada Aqalka Hoose, isla markaana madaxda FMS ay ku mideysan yihiin sida ay wax u socdaan, ayaa waxay u badan tahay in wixii aan aragnay ay sii socon doonaan. Doorashooyinku kaliya ma ahan kuwo sharci darro ah, balse waxay sidoo kale halis gelinayaan in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaal sokeeye. Inkasta oo hawshu lafteedu tahay mid aan dimuqraadi ahayn, haddana xatooyo aan xishood lahayn ee kuraasta ayaa sii wiiqi doonta kalsoonida yar ee ay shacabku ku qabaan geeddi-socodka. Iyadoo siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka qaarkood ay ku hanjabeen inay bilaabayaan hannaan is-bar-bar socda, fursadaha rabshadaha ayaa sare u kacaya.

Talooyinkayadu waa:

1. Haddii aan musharraxiinta dembi lagu hayn, waa in meesha laga saaro warqadda caddaynta amniga. Haddii musharaxa loo diido sababo amni waa in loo soo bandhigaa sababaha.

2. In aan doorasho kursi lagu qaban iyadoo madax dhaqameedkeedu ay ku adkaysanayaan in codbixiyeyaal been abuur ahi ku lug leeyihiin.

3- In la iska tuuro dhammaan doorashadii aqalka hoose ee la qabtay.

Natiijooyinka qosolka leh

Halkan waxaan ku haynaa liiska dhammaan doorashooyinkii la qabtay ilaa maanta iyo natiijooyinka aan la rumaysan karin ee lagu guuleystay.

Aqalka sare:

ConstituencyCidda GulleysatayCodadkaIntuu helay %Qaabka doorashada
PuntlandCabdiraxmaan Maxamed Maxamuud5481.8182Secret
PuntlandMaxamed Cali Yusuf “gaagaab”6598.4848Open vote
PuntlandMaxamed Cabdi Cusmaan Majiino6598.4848Secret
PuntlandCabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde6598.4848Open vote
PuntlandCabdisamad Yuusuf Maxamed6496.9697Secret
PuntlandDaahir Ayaanle Siciid6496.9697Open vote
PuntlandFarxaan Cali xuseen6598.4848Secret
PuntlandZaynab ismail Mohamed6598.4848Secret
PuntlandCabdiqani Geelle Maxamed5278.7879Secret
PuntlandSamiiro Maxamuud Xaaji Cawad6598.4848Open vote
PuntlandSareedo Maxamed Xasan 646496.9697Open vote
SWSZamzam Ibraahim Cali8185.2632Secret
SWSAyaan Aadan Cabdullaahi7983.1579Secret
SWSAadan Cabdinasir Maxamed8084.2105Secret
SWSDr. Xuseen Maxamed Daahir7174.7368Secret
SWSMaxamuud Maxamed Cabdinuur7680Secret
SWSXasan Xuseen Xaaji7477.8947Secret
SWSCali Sheekh Maxamuud Gacal6871.5789Secret
SWSCabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)6871.5789Secret
SomalilandCabdi Xaashi Cabdullaahi4495.6522Open vote
SomalilandSaalax Axmed Jaamac  (Wasiirka dastuurka Soomaaliya)2963.0435Secret
SomalilandProf. Cabdi Ismaaciil Samatar2554.3478Secret
SomalilandCismaan Abuukar Dubbe2860.8696Secret
SomalilandLayla Axmed Ismaaciil3984.7826Open vote
SomalilandBilaal Idiris Cabdullaahi3882.6087Secret
SomalilandSaciid Cabdi Xuseen4291.3043Open vote
SomalilandNaciimo Xasan Xaaji3065.2174Secret
SomalilandAxmed Maxamed Saciid4393.4783Open vote
SomalilandAxmed Ibraahin Maxamed “Qorane”4495.6522Open vote
SomalilandDeeqo Xasan Xuseen56100Open vote
JubalandIlyaas Badal Gaboose5575.3425Secret
JubalandCabdullaahi Sh. Ismaaciil “Fartaag”7197.2603Open vote
JubalandCabdirisaaq Maxamed Cusmaan5980.8219Secret
JubalandIftin Xasan Iman “Baasto”72100Open vote
JubalandXasan Daahir Yarow5980.8219Secret
JubalandIbraahim Awgaab Cismaan5778.0822Secret
JubalandLayla Nuur Maax6386.3014Secret
JubalandMaryan Faarax Kadiye5068.4932Secret
GalmudugSiciid Siyaad Shirwac8797.7528Open vote
GalmudugYuusuf Geelle Ugaas 8797.7528Open vote
GalmudugCabdi Axmed Dhuxulow8696.6292Open vote
GalmudugSamsam Daahir Maxamuud89100Open vote
GalmudugCabdixakiin Macallin Axmed8696.6292Open vote
GalmudugDuniyo Maxamed Cali8898.8764Open vote
GalmudugCabdi Xasan Cawaale8393.2584Open vote
GalmudugCabdi Cismaan Xareed 8393.2584Open vote
HirshabeelleMuuse Suudi Yalaxow5555.5556Secret
HirshabeelleNuur Maxamed Geedi “Canjeex”7070.7071Secret
HirshabeelleFartuun C/qaadir Faarax Karaama 8383.8384Open vote
HirshabeelleCali Shacbaan Ibrahim6262.6263Secret
HirshabeelleZamzam Cabdulaahi7777.7778Secret
HirshabeelleXasan Iidoow Muxumed 6969.697Secret
HirshabeelleDr Cusmaan Maxamuud Dufle )6868.6869Secret
HirshabeelleAxmed Maxamed Cali “Af-cadey”5252.5253Secret

Aqalka Hoose:

ConstituencyCidda GuuleysatayCodadkaIntuu helay %
HOP067Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) 6867.33
HOP103Maxamed Cali Xasan – Under Investigation7877.23
HOP104Mahad Cabdalle Cawad8483.17
Hop272Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar6564.36
HOP26Yuusuf Geelle Ugaas8281.19
HOP225Maxamed Cabdi Xayir Maareeye9695.05
HOP202Aamino Cumar Jaamac101100
HOP210Faadumo Xasan Cali9190.1
HOP208Maxamed Haaruun Cabdullaahi9998.02
HOP233Axmed Cismaan Diiriye6564.36
HOP239Mahdi Maxamed Guuleed9796.04
HOP237Biixi Iimaan Cige9190.1
HOP182Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan8887.13
HOP170Aadan Maxamed Nuur Saransoor8281.19
HOP171Fowsiya Maxamed Sheekh8483.17
HOP054Cabdishakuur Cali Mire8584.16
HOP043Xuseen Yuusuf Qaasim8180.2
HOP189Aadan Maxamed Nuur6362.38
HOP042Cabdicaziz Xaaji Cabdi8079.21
HOP213Amino Maxamed Mursal7978.22
HOP180Sadaat Maxamed Nuur8786.14
HOP154Sareedo Maxamed Cabdalla- Under Investigation8988.12
HOP193Cabdullahi Aadan Axmed6665.35
HOP041Nuura Mustafa Muqtaar8382.18